Friday, August 2oth, 2010.
 

Bismilaahir Rahmaanir Rahiim
 
Soomaalida maanta waxay noqotay qoom laga xishoodo inla sheegto sababtuna waxaa weeye sida dulinimadaa, aqmaxnimadaa, dadnimo xumidaa oo ay u burburiyeen qarankoodii, midnimadoodii iyo dowladnimadoodii iyagoo kadoor biday in ay reer reer ukala soocmaan oo uu reer waliba saarto calan Qabiil asagoo magansanaya si dulinimaana ugu adeegaya danaha gumeysi ee Tigreega Xabashida oo uu horboodo balada Meles Zenawi.
 
Waxaa caado foolxun noqotay in Qabaa'ilada Soomaaliyeed ay saf ihaaneysan u galaan xaafiiska balo wade Meles Zenawi iyagoo ku cataabaya oo ku wardinaya in uu u taliyo oo ay u noqonayaan -Qadaamiin iyo camiilo u dhaganugul waxla wixii awaamiir ah oo uu farayo balo wade Meles Zenawi !
 
Waxaa hore sanadihii 1991 iyo 1998 qoorta ugu dhiibtay Meles Zenawi Qabaa'ila Isaaq iyo Majeerteen kuwaasoo hadda ku milman kana mid ah boqortooyada gumeysi ee Meles Zenawi. Sidoo kale waxaa qoorta u dhiibtay Meles Zenawi TFG-dii uu borboodayay camiilkii Xabashi ee Cabdullahi Yusuf si uu u gumaado shacabka bartamaha iyo koofurta Somalia kuwaasoo uu ula dagaalamayay reer ahaan. Sidoo kale, waxaa asna qoorta u dhiibtay Meles Zenawi Sheekh Shariif iyo kooxdiisa TFGda hadda ka qowlaysata geyiga Somalia. Waxaa asna dhulka isku jiiday oo qoorta u dhiibtay Meles Zenawi, Sheekh Ibraahim Dheere oo hogaamin jiray koox kamid ah ururka qabiileysan ee ONLF.

 

Waxaa iyaguna xawaare ku tegay Addis Ababa kooxda isku magac-cowda Ahlu Sunna waljamaaca kuwaaso iyana si ihaanaa qoorta ugu dhiibtay Meles Zenawi. Aaqirkii waxaa jidbo iyo khushuuc ku tagay Addis Ababa Col. Mohamed Axmed Caalin oo hadda horbooda shacabka Galmudug.
 
Tigree Meles Zenawi wuxuu usoo hooyay dalka Xabashida guulweyn kagadaal kolkii uu burburiyay dalka Somalia asagoo u maray wadada "qaybi oo xukun) amuurtaasoo kutimid damiir la'aanta, diin la'aanta, wadani xumida, dawarsiga, qabiil caabudka iyo dadnimo xumida ummadda Soomaaliyeed. Hoggaamayaashii soomaray dalka Xabashida sida Boqoradii Mililiq, Haile Salaase iyo warlord Mingistu Haile Mariam, way ku hinaasi ama coowri lahaayeen guusha uu ka gaaray Meles Zenawi burburinta iyo kala qaybinta dalka Somalia haddii ay awoodi lahaayeen in ay Godka mugdigaa ee aakhiro ay kasoo baxaan ! ( Mingistu Haile Mariam wali waa noolyahay).
 

 

Ilamaa hadda waxaa calamo qabiil saartay ama maamulo ku sheeg qabiil samaystay:-
 
* Somaliland
* Puntland
* Midland (Hiiraanland)
* Galmudug
* Waax Iyo Waadi
* Gedoland
 
* Waxaa soosocda gobolo kale oo qabaa'il
 
 
Gunaanad
 
Sida hadda xaaladda dadka iyo dalka Somalia kusocoto, waxay u egtay in ummadda Soomaaliyeed ay mari doonaan wadadii ay martay oo lugu kala qaybsaday oo lagu kala dhantaalay qoowmiyadda ' Kurdishka' oo ay kala liqeen ama kala qaybsadeen dalalka Turkiga, Suuriya iyo Iraq.
 
Dowladaha Xabashida, Kenya iyo xulufooyinkooda baa usoo tafa xeytay in ay jilbaha dhulka u dhigaan dalka iyo ummadda Soomaaliyeed si  loo hantiyo khayraadka ceegaaga dhulweynaha Soomaaliyeed. Taasi waxay ku suuragashay wax ma garato Calooshood u shaqeystayaal Soomaali ah oo iibsaday qarannimadii, midnimadii, karaamadii iyo madax bannaanidii dalka iyo ummadda Soomaaliyeed. Abdullahi sultaan Timacade(aun) baa sifiican u tilmaamay dadnimo xumida , qabyaaladda iyo dammanaata shacabka Soomaaliyeed wuxuuna yiri" dadka aan la hadlayaan lahayn dux iyo iimaane, wixii hore u daashaday bey daba dudeysaaye, dugsi maleh qabyaalade waxay dumiso mooyaane". 
 
 
Dhowaan waxaa ciidamada gumeysiga ee calooshood u shaqeystayaalkaa ee Amisom oo had iyo goor shacabka ku xasuuqa magaalada Muqdisho madax looga warlord-kii tigreega ahaa Col. Gabre oo xasuuqa ba'an ka geystay bartamaha iyo koofurta dalka Somalia sanadihii 2006-2009. Col. Gabre wuxuu kaloo Dowladda  Xabashida u qaabilsan yahay " isku dirka, kala furfurka iyo gobolo qabaa'il u sameynta ummadda Soomaalida iyadoo ahdaaftu tahay in qaabaa'ilada Soomaalidu si toos ah u hoos tagaan boqortooyada gumeysiga madow ee Xabashida oo uu hadda garwadeenka ka yahay musiibada Meles Zenawi.
 
Haddaba haddaan la helin tab iyo talo waayeel oo ay curiyaan dad damiir leh oo Soomaaliyeed taasoo lagu badbaadinayo Jamuuryadda Somalia oo xor noqotay 1960, waxaa hubaal ah in dalka iyo shacabka Soomaaliyeedba ay hoos tagi doonaan gumeysi doqomeedka Xabashida madow oo cawaantaa.Waxaa loo baahan yahay inla helo (urur lamid ah kii ay aasaaseen dhalinyaradii SYL oo la unkay 1943 si Somalia looga samatabixiyo oo looga xoreeyo gumeystayaashii reer Europe, ahdaaftaasoo ay ku guuleysteen dhalinyaradii SYL, walow cadowga Somalia iyo calooshood u shaqeystayaal Soomaali ahi ay aaqirkii fashiliyeen himilooyinkii iyo ahdaaftii dhallinyaradii SYL  kagadaal kolkii uu xukunkii dalka Somalia uu gacanta u galay dhagar qabayaal iyo jawaasiis uu barbaariyay gumeystihii la haraatiyay ! 
 
Dalka iyo dadka waxaa badbaadi kara oo kaliyah dadkiisa, inta kale waxay doonayaan in ay dhufaanaan oo qaribaan !
 
Kaarshe Majiid