Dallada Dhowrista Xaquuqda Caruurta ee Koonfur Mudug,Galmudug  oo Seminaar ku xustay Maalinta Caruurta ee Africa. 


Gaalkacyo, Galmudug State, 23ka June, 2011.


Dallada Dhowrista Xaquuqda Caruurta ee Koonfur Mudug, Galmudug (South Mudug Child Protection Network)  oo ku bahoobay ururada wadaniga ah ee MPHDO, SOSDA, HCCA, SOHDO, MYDC, SSRDO iyo MDO ayaa markii labaad qabtay workshop hal maalin ah oo ku saabsanaa u qareemida caruurta Soomaaliyeed qaasatan kuwa reer Galmudug – Lobbying and Advocacy on Child Protection for South Galkacyo Community, Galmudug.

Waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada sida; Police-ka Galmudug, Maamulka gobolka iyo kan degmada, Ururada haweenka iyo dhalinyarada, IDPs-ka, Culumada, Macalimiinta Malcaamadaha, Garsoorka iyo Qaar ka mid ah xubanaha Dallada, Ugu horeyntaa waxaa Workshop-ka furay Gudoomiye ku xigeenka Dallada, Mohamed Haji Ereg. Seminarkaas oo socday hal maalin ayaa bixinayay casharadii lagu qaatay halkaa Mr. Mahdi Maxamed Cilmi, ahna Gudoomiyaha Dallada (South Mudug Child Protection Network), Casharada uu macalinka bixinayay ayaa waxaa ka mida ahaa, Xaquuqda Caruurta iyo dhowristooda, Noocyada Tacadi ama gabood-fal ee ku dhaca caruurta, Qaababka looga hortegi karo tacadiyadaas, masuuliyada ruux kasta kuu lahaan karo dhowrista caruurta soomaaliyeed haday lahaan lahayd hay’adaha dowlada, haweenka, dadka xilkaska ah ee mas’uuliyada bulshada dareemi kara (Duty bearers).

 Ka soo qaybgalayaashu waxay aad uga hadleen caruurta ku dhaqan magaalada Galkacyo dhibaatooyinka haysta iyo waxa sababay dhibaatoonyinkaas iyo sidii loo siin lahaa daryeelka ayu baahan yihiin, haday noqon lahayd waxbarasho, caafimaad, hoy, hu iyo taageerida xaga maskaxda. (Psychosocial support).

Aqoon-isweydaarsigaan ayaa sidoo kale lagu xusay maalintaa xuquuqda caruurta ee Africa (Africa Child Day 16/06/2011) oo ku beegnayd isla maalintii uu dhacayay seminaarku. Mudadii uu socday seminaarka ayaa waxaa fursado soo jeedimo la siiyay, dhamaan qaybaha kala duwn ee bulsashada iyadoo koox kastaa uu u hadlayay qof ay soo doorteen si uu si fiican uga hadlo xuquuqda caruurta marka loo eego dhinaca diinta iyo waajibaadka saaran waalidiinta, Macalimiinta dugisyada quraanka iyo kuwa waxbarashada madaniga ah Waxa kale oo looga hadlay qareeradii qaramada midoobay ee dhowrista xaquuqda sida United Nations convention on the rights of children (CRC) iyo kii kale ee tirisigiisa uu ahaa Resolution 1612 ee ku wajahan wadamada dagaalada ku jira tacdiyadana ku dhici kara mudada uu dagaaladaasi ay socdaan oo Somalia ka mid tahay iyo wadamo kale oo qaarada Africa ka mid ah.

Seminaarka ayaa ku soo gababgabooyay jawi heer sare ah oo runtii loo wada riyaaqay, waxaana halkaa ka soo qaybgalayaashii ay durbadiiiba u qareemeen islamarkaan lacago uuruuriyeen caruur labo ah oo aad u liitay kuna nool magaalada galkacyo una baahnaana gargaarkaas.

Ma’ahan markii ugu horaysay ee siminaar noocaan ah lagu qabto Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Dawlad Gobaledka Galmudug, Ayadoona  ay Dalladu horey u qabatay 3 seminaar oo noocaan oo kale ah. 

Nuuradiin5@hotmail.com or abuuakram1@gmail.com

Nuuradiin Cismaan Maxamed (abuuakram)

Tell: 00252690/753825

Galkacio-Galmudug-Somalia

 

.

Xuquuqda sawitada Waxaa iska leh wariye Nuuradiin Cismaan, Fadlan Ogolaasho ka hela inta aydaan Qaaadan Sawirada