Warbixinta Gobollada Dhexe ee Soomaaliya

By : A Gurato, sunday August 22, 2011.



E:\DSC01463.JPG

 

Waxaan dhawaan socdaal ku tagay meello Geeska Africa mid ah. Meellahaas waxaa ka mid ahaa gobollada dhexe, gaar ahaan: C/waaq, Dhabad, Xeraale iyo Balanbale. Waxaan doonayaa in aan la wadaago wixii aan halkaas ku soo arkay cid kasta oo u danaynaysa ummaddaa soo ka caawin karta: nabadda, nolosha iyo horumarka Bulshada.  

Arrimaha sida gaarka ah warbixinta aynu ku soo qaadan doono waxaa ka mid ah:

·      nabadda,

·      nolosha

·       isu-socodka

·      Iyo garaadka bulshada

 Waxaan kaloo warbixinta ku jirta: dhinacyada; horumarka bulshada, gaar ahaan arrimaha la xariira fikirka bulshadu, maadaama muddo dheer lugu soo jiray colaaddo, abaarro iyo khilaafaad dhinacyo kala duwan ku salaysanaa.

Ha yeeshee, akhriste waxaa mudan in aynaan ilaawin in dhibaatooyinka Geeska Africa, gaar ahaan soomaaliya ay ka mid yihiin: noloshii, siyaasadii, diintii , qabyaalladdii iyo faragalinno kale oo is dhexgalay. Dadkuna ay kala saari waayeen; arrimahaas ku dhexlaban wixii la eegaba. Sida maamullada, ururrada iyo dowladaha ka jira Geeska Africa. Waxaana ka dhashay dhibaatooyinka hadda ka jira Geeska Africa. Sidaas daraateed, xasuusnow in warbixintu aysan ka marnayn.

 

 Nabadda

Deegaanada kor ku xusan waxaa ka jirta nabadgalyo wanaagsan, marka loo eego gobollada kale ee dalka. Magalooyinkan kuma arkaysid cid hub sidata, dhiilo-colaadeed ah ama calaamad u noqon kara xasilooni-darro. Nabaddu magaalooyinka kuma koobna ee waxaay xitaa ka jirtaa dhulka miyiga ah. Bulshada deegaanadaas iyo beellaha Soomaaliyeed ee ay ood-wadaagta yihiin waxaa ka dhexeeya nabad-ku-wada-noolaasho ka duwan deegaanno kale oo aan ka tagay Geeska Africa. Waxaa kaloo xiriir iyo wadda shaqayn ay la wadaagaan waddanka deriska ah ee Itoobiya, maamullada Soomaalida ee Puntland, Somaliland, Gal-mudug iyo Ximan iyo Xeeb.

Gal-Mudug, Ximan iyo Xeeb iyo maamulka Ahelusuno Waljameece oo ah maamulka ugu awoodda badan gobollada dhexe waxaa ka dhexeeya Xiriir iyo iskaashi dhow. Waxaa kale oo ammaanka gobolldda dhexe wax weyn ka tara iskaashi caqli iyo cududba ku salaysan oo u dhexeeya maamulka Ahalu-suna Waljameeca iyo waxgaradka deegaanada.

Hase ahaatee marka dhinac kale laga eego Bulshada waxaay kuu sheegayaan in nabad iyo maamul midaysan loo baahan yahay, iyaga oo sababta ka dhigaya in ay gobolladda dhexe waa nabad laakiin laakiin waxaa kaka jira beelihii iyo Maamulladii (Gal-mudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahelusuno) oo dhinac ah iyo Burcadbadeed iyo  Al-shabaab, taas beddelkeedana waxaa fiicnaan in la hello figrad midaysa maamullada iyo bulshada oo dhan. Si kastaba ha ahaatee, ammaanka gaar ahaan Caabudwaaq, waxaa xaqiijiyeey ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, oo tagay C/waaq bishii May.

 

Nolosha

Nolosha dadku waxaay ku tiirsantahay xoolaha dhaqashdooda iyo ka-ganacasigooda, wuxuuna deegaankaas ka mid yahay dhulka ugu xoolaha badan Geeska Africa. Waxaana intaas u raacda tabaca kale ee soomaalidu u badan tahay, marka laga reebo beeraha. Abaartii hore oo deegaanku waa ka roonaa, roobkii denbana wuu ka da’ay wallow uu yaraa. Haddana abaartu way saamaysay. Inkasta oo baahida biyuhu ay dhulka ku badan tahay haddana C/waaq, Dhabad/ Xeraale iyo Balanballe waa meelaha ugu roon xagga biyaha. Qurbo-joogta, haayadaha samafalka iyo barakacayaasha si gaar ah ayaa loo soo dhaweeyaa.

E:\DCIM\101NIKON\DSCN3278.JPG Biyaha

Inkasta ceellasha biyaha tiro ahaan iyo tayaba wanaagsan yihiin laakiin waxaa jira dhowr ceel oo uu ka mid yahay ‘Canjiidle’ oo ka mid ah ceelasha dabooli jiray baahida ugu badan deg. Balabbale, in uu hadda fadhiyo oo u baahan yahay dayactir. Abaartii hore, biyaha wuqooyiga G/duud waxaa u baxsatay ummaddii degenayd gobollada dhexe, Howd, meello ka mid ah Togdheer iyo Sool. Hase ahaatee, Baahida biyaha iyo caafimaadka ee ka jirta dhulka howdka ah ee ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya waa aad u xun. Laakiin dhinaca nabadgalyada wax dhibaato ah ma rag mana maqal intii aan joogay.

                                                                 

Dhinaca isu-socodka waxaa si joogta ah u yimaada Caabudwaaq safarro ganacsi iyo socoto kale oo joogto ah oo ka yimaadaan: Boosaaso, Berbera, Muqdisho, Jigjiga. Waxaa sidaas oo kale safaradu caadi uga yimaadaan Kismaanyo, Baydhabo, Gedo, Gaarisa iyo Wajeer. Macayshadu, sida hilibka, caanaha, biyaha, kirada guryaha iyo kirada gaadiidka (BL) intuba waxaay ka jaban yihiin dhammaan dhulkii aan ka tagay Geeska Africa, oo ay ku jireen Muqdisho, Puntland, Somaliland iyo ismaamulka soomaalida Itoobiya. Laakiin biyaha iyo cuntada deegaanada kale ee ka tirsan gobollda Dhexe aad ayuu uga xunyahay. 

Waxaa meel walba ka muuqanaya xeryo qaxooti (camps) oo ah  shacab Soomaaliyeed oo ka soo barakacay colaadaha iyo abaaraha ba’an ee ka jira gobollada koonfureed ee Soomaaliya iyo meello ka mid ah koonfur-bari gobollada dhexe, oo u badan xoolo-dhato. Waxaa iyana barakacaysha ka mid ah dad aan sidaas u badnayn oo dhinaca Itoobiya ka yimid. Qaar ka mid ah Barakacayaashu waxaa deegaanka ku soo kordhiyeen farsamo iyo dhaqaale. Haddase waxaa jira walwal ku saabsan in abaartu ku dhufato iyo culaab deegaanku uusan qaadi karan oo saaran, oo ay ugu daran tahay: cuntada oo yar iyo dadkii oo badan oon awoodin in ay iibsadaan inkasta oo uu jaban yahayba. Cabsida kale waa haddii abaartu dheeraato, oo meelaha qaar ayaad ku arkaysaa nafaqo-xumo ilmaha iyo dadka waayeelka ah ka muuqata.

 

Horumarka

Dhinaca horumarka magaalooyinku waa kala duwan yihiin, Caabudwaaq ayaa ugu weyn oo camiran lehna adeegyadii asaasiga ahaa oo dhan, sida Caafimaad, waxbarasho, dhismayaal isku darsaday qurux iyo qiimo iyo wixii kale ee magaallo laga heli jiray oo dhan. Laakiin kuwa kale sidaas ma wadda ahan. Tusaale, Balanballe, waxaa ka jirta baahi dhinaca waxbarashada sare iyo caafimaadka ah.

UNICEF UK

Inkasta oo Xeraale yahay tahay magaallada ugu dhaw C/waaq marka laga hadlayo dhinaca horumarka asaasiga ah haddana sida Balanballe oo kale ayaa horumarku bilow yahay. Magaalooyinka oo dhan waxaa ka shaqeeya shirkado ganacsi, hay’ddo isugu jira NGO’s degaanka ah iyo kuwo Caalami ah. Hay’daha Caalamiga ah ee caafimaadka, biyaha iyo waxbarshada ka qabtay waxaa ku jira Unicef

 Arrimaha Bulshada

Magaalooyinka aan u kuurgalay ee kala ah Xeraale, C/ waaq, Dhabad iyo Balanballe waxaa ka jira ururro Bulsho oo tayaysan (awood leh). Ururrada Bulshada ee sida fiican u shaqeeya waxaa ka mide ah ururrada haweenka, odeyaalka dhaqanka iyo dhalinyarada. Ururrada dhalinyaradu isugu jiraann kuwo Sporti iyo kuwa ‘nabadda’ ka shaqeeya.

Dhalinyarada Sportigu oo ka kooban kooxo badan waxaay guullo waaweyn oo dhinaca ciyaaraaha ah ay u soo hoyiyeen gobolka G/duud. Magaalooyinka C/waaq iyo Balanballe, waxaay leeyihiin garoommo wanaagsan oo lugu ciyaarayeey galab walba intii aan joogay. Si gaar ah waxaan ugu dhabagalay kooxaha Sportiga Balanballe oo tiro ahaan iyo tayaba aan layaabay.

Waxaana la kulmay xog-haynta ururrada Sportiga Balanballe Farxiya Jayte (Shire Gureey) iyo tababaraha kooxahaas, Mahad Cabdullaahi Guulleed (Mahad Walanwal) oo labaduna ay ka mid yihiin madaxda sportiga gobolka Galguduud. Waxayna ii sheegeen in ujeedka ay tirada iyo tayada Sportuga Balanballe xoogga u saareen ay tahay laba arrimood: midda hore, in dhalinyaradu ay ka badbaadaan colaadah; midda kalena ay tahay in dhalinyarada xirfad loo abuuro.

 Doorka Haweenka

E:\DSC01419.JPG E:\DSC01423.JPG

Muuqaalkani waa Madaxda dalladda TAWAKAL ee Deg. C/waaq iyo qoraaga (A. Gurato. Qoraaguna waa qofka sadexaad dhan kasta marka laga tirsho). Waxyaabaha ururradani qabtaan sida gaarka ah waxaa ku jira si iskaa-wax-u qabso ah (volunteer): nabadda, nadaafada, taakulaynta dadka tabaalaysan. Waxaa kaloo ka mid ah tacliinta, caafimaadka, dhiirogalinta midnimda bulshada iyo horumarka deegaanka. Runtiina muran kuma jiro in ay najiido wanaagsan ka gaareen.

 

 Kaalinta Qurbo-joogtu iyo Xaallada Caafimaadka

 E:\DSC01395.JPG E:\DSC01377.JPG (Hadiya Hospital)

Caafimaadka- Horumarka Qurbo-joogta ay deegaanka ku soo kordhiyeen waxaa ka mid ah Hadiya Hospital oo ah Isbitaal wax badan ka taray baahidii caafimaadka, kaas oo uu maamullo milkiilana ka yahay Dr. Crisaaq C/llaahi Warsame. Isbitaalku waa mid casri ah, oo dhakhaatiirta iyo adeegayaalkuba ay aad dadka u soo dhaweeyaan, wallow ay dhici karto in aysan wadda dabooli karin baahida caafimaad ee ka jirta Wardheer ilaa iyo C/waaq, oo ah dhul weyn oo miyi iyo magaalaba ku nool yihiin Bulsho aad badan (densely populated). Intaas waxaa dheer, waxaan xitaa deegaanadaas ku yar xarumaha lugu daryeelo hooyada iyo dhalaanka (MCH) iwm.

E:\DCIM\101NIKON\DSCN3394.JPG

Degmooyinka Balanballe iyo Caabudwaaq waxaa ka shaqeeya NGO la yiraahdo HOPEL, kaas oo howlaha uu waddo ay ku jiraan xarun lugu daryeelo hooyada iyo dhallaanka (MCH)oo Balanbale ku taal. Iyo arrimo badan oo ku wajahan sidii garaadka Bulshada kor loogu soo qaadi lahaa (seminenaaro joogto) ah.        

Baahida Caafimaad ee dhulkaas waxaa ka abuurmi kara walwal ku saabsan saamaynta ay deegaankaas ku yeelan karaan dawooyinka iyo cuntada dhacay ee  la sheego in laga mushtaro Geeska Africa. Hase ahaatee, ilaa hadda wax saamayn ah oo dawooyin iyo cunto dhacday ah lama sheegin.

Dr. C/risaaq C/llaahi Warsame, Baahida Caafimaadka kasakow, wuxuu saamayn ku leeyahay horumarka kale ee deegaanka; iyo in qurbo-joog kale iyo haayadaha samafalkuba ay deegaanka ku dhiiradaan in ay wax ka qabtaan. Waxaa xasuus mudan, in Dr. C/raaq iyo laba nin caddaan ah, oo cid gaar ah oo ilaalinaysay aysan jirin aan hamayn 10: 45, ku arkay ‘faras-magaalaha’ C/waaq. Waliba waxaay ahayd 45 daqiiqo kadib markii layrku (electric ama koronto) magaalada ka tagay! Si kastaba ha ahaatee, micnaha arrintaasi leedahay waxaa ugu weyn labo oo kal aha: ammaanka deegaanka ka jira iyo saamynta Dr.ku ku yeeshay qurbo-joogta iyo haayadaha samafalka.

Waxbarashada

deegaanku waa ay kala duwan tahay. C/waaq waxaa ka jirta waxbarasho gaarsiisan dugsiyo sare laakiin aan lahayn Jaamacaddo iyo dugsiyo farsammo (colleges). Laakiin, Balanbale, Xeraale, iyo Dhabad malahan dugsiyo sare, waxaana ka jira waxbarasho hoose/dhexe ah. Dadaallo qabyo ah oo ku -saabsan sidii dugsiyo sare loo heli lahaa wallow ay jiraan haddana waxaa ka badan baahida waxbarsho ee jirta.  (  riix: Codsiga Balanbale)

E:\DCIM\101NIKON\DSCN3261.JPGMeellaha dugsiyada sare ugu baahida badan waxaa ka mid ah Balanbale, oo tiro ahaan ardayda u baahan dugsiyo sare ee dhamaysatay dugsiyadii dhexe ay ku nool yihiin. Muuqaalkani waa dugsi hoose/ dhexe oo lugu magacaabo Al-Maymun kuna yaal Balanbale, kaas oo ay wax ka bartaan 165 (qiyaas). Dugsiga waxaa qabyo ka ah dhamaystirka dugsigii sare.Waxaa iyana jira baahi waxbarasho dadka waaweyn (seeraale) aad loogu baahan yahay. Sababta baahida tacliinta sare u qaaday ayaa noqon karta dhowr sababood:

·        Bulshada oo aaminsan haddii ay nabad helleen in ay u baahan yihiin horumar, horumarkiina ay tacliintu ku mid tahay.

·        In dhalinyarada aqoon iyo mustaqbal ka wanaagsan qoriga in ay u noqoto

·        Dhalinyaradii oo aragtay(fahamtay) in ay jiraan fursado badan oo ay ka heli karaan soomaaliya oo ku xiran tacliin asaasiya

·        Dadkii waa weynaa oo iyaguna ay ku abuurantay in naftooda wax u bartaan.

E:\DSC01325.JPGHase yeeshee, meelaha ugu daran baahida tacliinta hoose waa inta u dhaxaysa C/waaq ilaa Wardheer (Koonfur ilaa wuqooyi). Dhanka kalena Shilaabo Ceel-gaab (qalqalooc) ilaa Galaadi) (bari iyo galbeed). Deegaamadaas badankoodu w/sho hoose/dhexe malahan. Waana meelaha dadku waxbarashada u baahan ugu badan yihiin. Waxaan la yaabay tirada ardayda iskuul ku yiilay Dhigdhiko oo u dhaxaysa Miir-khaliif iyo Burgeesoole. Ardaydu waxaay ku qiyaasay 200, iskuulkuna wuxuu ahaa mid dugsi hoose. Wuxuuna ahaa mida sida la ii sheegay guurguura, oo hadba meeshii reer miyigu u bataan la geeyo macalimiinta. Meeshaas waxaay noqon kartaa halkii roob ka da’ay.

Sababta sidaasi looyeelayna waxaay tahay ilmaha oo reerka miyiga nolol ahaan aan ka maarmin. Tusaale ahaan Dhikdhiko oo kale waxaay u baahan tahay iskuullo cunto iyo jiif leh si ay yga maarmaan reerihii guurguurayeey. Iskuulladaas waxaa maamulla oo mushaarka iyo text bixiya dowladda Itoobiya. Runtiina qaabka ‘mobile’ka ahi waa mid ilmaha loogu daneeyay.

Garaadka Bulshada

E:\DCIM\101NIKON\DSCN3375.JPGMarka laga tago kaalinta arrimaha bulshada ay dumarku ku leeyhiin, arrinta kale ee la yaab ku noqon karta dadka qaarki waxaay tahay in guurtida talisa ee deegaanka ay kaalin weyn ku leeyihiin haweenku, taasna waxaa markhaati u ah muqaalkan (sawir) oo aan soo qaaday intii aan Balanbale joogay.  Muuqaalku, waa guurtidii Balanballe oo dumarkiina ku jiraan oo fadiyana geedka “dudumaalle” ee looga arrimiyo Deg. Balanbale, iyada oo dhaqankii iyo diintii aan wax loo dhimayn laakiin la wadaagayo tallada. Arrimaha kale ee xiisaha lehi waxaay tahay in dumarku marka ay geedka shirka tagayaan ay ku labistaan oo kaliya dharka hidaha iyo dhaqanka!

Bulshadu waa dad soo dhaweeya bani-aadamka oo dhan, si gaar barakacayaasha, hayadaha gargaarka, socotada (safar ama danleey kale) iyo qurbo-joogta. Bulshadu waa wadda xeer iyo dhaqan-yaqaan, ay meel u taal wax kasta oo dhexmara iyaga iyo qolo kale. Nasiib-wanaag, waxaa dhaqanka iyo xeerarka soomaalida u dheer maamul nidaamkiisa leh oo ay bulshadu isku raacsan tahay deegaanadana ka wadda jira. Ugu danbaynta Bulshada Caabudwaaq, waxaa u kala saaran siyaasadda, nolosha, diinta, qabiilka iyo dhaqanka. Waa bulsho aad ku dhex arkayso dhaqammadii hore.

Waxaase cid kasta oo deegaanka timaada layaab ku noqon kara sida gabdhaha, wiilashu iyo odeyadu ay ula wadda socdaan ammuuraha ka dhaca deegaanada Geeska Africa oo dhan iyo waliba adduun-waynaha. Sidaas oo ay tahay waxaa dhacda in aysan qaarkood aqoon luuqadaha shisheeye, ama ay reer miyi yihiin.

 Layaab kale, waxaa ceeb la ah in dadka socotada ah la tuso in ay ka duwan yihiin ‘iyaga’ kuwii horay u joogay deegaanka, ama la soo dhawayn-waayo. Waxaay isku raacsan yihiin in waxa ugu wanaagsan Geeska Africa ay tahay ‘nabadda’ iyo wada-noolaanshaha. Nabad iyo wada-noolaansha kadibna horumar lugu xijiyo iyada ururrada bulshada mid walba. Waxay kaloo isku raacsan yihiin in maamulku la’aan uusan horumarka jiri karin. Dhinaca kale, marka la tagaba waxaa muuqan kara fursado ganacsi iyo kuwo shaqo oo deegaanadaas ku badan.

Inkasta oo sidii aynu soo sheegnayba deegaanku uu hadda nabad yahay haddana waxaa jira in gobollada dhexe aysan wali ka jirin maamul si dhab la isugu raacsan yahay ayna dhacdo in  maamullada Gal-mudug, Ximan iyo Xeeb, beellaha iyo Ahelu Suno mida walba uu haddana maamul u gaar ah leeyahay. Waxaana kuwaas ka baxsan oo gobollada dhexe ka jira Burcad-baddeed iyo Al-shabaab. Kala-qaybsanaanta ayaa muujinysa sida waxgaradku rumaysan yahay laba arrimood oo kala ah, in dadku uusan isdiidanayn laakiin la’yahay figraddii iyo ciddii midayn lahayd; iyo in mar walba la fili karo in dhibaato ka dhexdhacdo bulshooyinkan wadda nool haddana kala nidaamka ah.

 Ahmiyadda Gobollada Dhexe ee Soomaaliya

Gobollada dhexe waa xuduntii dalka, oo saamyn ku leh gobollada bari, wuqooyi (somaliland) iyo koonfur. Waxaa dega beellaha ugu badan soomaalida isla markaana saamayn ku leh dalka intiisa kale. Waxaay xuduud dheer la wadaagaan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Waxaa dega dad dhaqanka isku dhow oo wax ku heshiin kara. Gobollada dhexe tan 1991 marna la iskuma dayin in maamul-gobolleed shaqeeya loo sameeyo. 20-kii sann Dowladdihii dalka soo marayeey marna ma aysan siin ahmidda ay leeyihiin gobollada dhexe. Dad badan ayaa qaba haddii maamul-gobolleed loo dhiso gobollada dhexe in mashaakilka Geeska Africa uu yaraanayo. Hadda bulshada ku nool iyaga oo magacyo kala duwan sida ayeey wadda noolyihiin. Arrintaasina waxay yeelan kartaa micneyaal kala duwan.

Marka la isku arruuriyo, Baahida deegaanadaas waxaay  ka mid ahaa:

·        Cunto iyo biyo

·        waxbarashada, shaqo, iyo kor-u qaadida garaadka bulshada

·        Ururada haweenka iyo dhalinyarada gacan la siiyo howlaha ay wadaan

·        Iyo xirfadlayda oo ka yar intii loo baahnaa.

 

Tallo-soo-Jeedin:

1.     Qurbo-joogta iyo Maamullada

 

A . waxaan u soo jeedinyaa in Qurbo-joogtu ay daddaalkoodii labanlaabaan, ciddii kartana ay dhulka tagto;

B. In qurbo-joogta iyo dhammaan waxgaradka soomaaliyeed aysan isku mashquulin siyaasadda ee ay ummadda badbaadiyaan;

C. In meel la iska dhigo figradihii lugu kala aragtida duwanaa;

D. maamullada la ixtiraamo lagalana shaqeeyo arrimaha gargaarka iyo wixii kale dan;

E. in haayadaha gargaarka lala shaqeeyo (cidii karta);

F. in deegaanka laga taageero waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo nabadda. Waxaa sidoo kale Bulshada deegaanku u baahan tahay  in tababarro la siiyo dhalinyarada si ay shaqooyin u hellaan iwm;

E. in daraasaad lugu sameeyo saamynta abaarta ah ay ku yeelatay dhulka u dhexeeya Dhuusamareeb ilaa Xarardheere.


 

Beesha Caalamka:

 

   A. waxaan u soo jeedinyaa Beesha Caalamku in ay gobollada dhexe gargaar la gaarsiiyo;

   B. in maamullada gobollada dhexe ka jira laga taageero dhanka ammaanka inta la gaarayo maamul mideeya ama ka fiican kuwa hadda ka jira;

    C.  Si gaar ah waxaan u hay’daha samafalka, dowladaha iyo cid kasta oo doonaysa in ay wax geeyaan: C/waaq, Dhabad, Xeraale iyo Balanbale u dhiiragalinyaa in  ay toos u tagi karaan oo aysan la kulmi doonin haba yaraatee wax dhibaato ah, maamulka iyo shacabkuna ay soo dhawayn doonaan.

 

Akhriste, wixii su’aal ah, ku soo dir emailkan: gurato2@hotmail.com

 

Mahadsanid

A.    Gurato

-Dhammaad-