
Warbixinta Gobollada Dhexe
ee Soomaaliya
By : A Gurato, sunday August 22, 2011.

Waxaan dhawaan socdaal ku tagay
meello Geeska Africa mid ah.
Meellahaas waxaa ka mid ahaa
gobollada dhexe, gaar ahaan: C/waaq,
Dhabad, Xeraale iyo Balanbale.
Waxaan doonayaa in aan la
wadaago wixii aan halkaas ku soo
arkay cid kasta oo u danaynaysa
ummaddaa soo ka caawin karta:
nabadda, nolosha iyo horumarka
Bulshada.
Arrimaha sida gaarka ah
warbixinta aynu ku soo qaadan
doono waxaa ka mid ah:
·
nabadda,
·
nolosha
·
isu-socodka
·
Iyo garaadka bulshada
Waxaan kaloo warbixinta ku
jirta: dhinacyada; horumarka
bulshada, gaar ahaan arrimaha la
xariira fikirka bulshadu,
maadaama muddo dheer lugu soo
jiray colaaddo, abaarro iyo
khilaafaad dhinacyo kala duwan
ku salaysanaa.
Ha yeeshee, akhriste waxaa mudan
in aynaan ilaawin in
dhibaatooyinka Geeska Africa,
gaar ahaan soomaaliya ay ka mid
yihiin: noloshii, siyaasadii,
diintii , qabyaalladdii iyo
faragalinno kale oo is
dhexgalay. Dadkuna ay kala saari
waayeen; arrimahaas ku dhexlaban
wixii la eegaba. Sida
maamullada, ururrada iyo
dowladaha ka jira Geeska Africa.
Waxaana ka dhashay
dhibaatooyinka hadda ka jira
Geeska Africa. Sidaas daraateed,
xasuusnow in warbixintu aysan ka
marnayn.
Nabadda
Deegaanada kor ku xusan waxaa ka
jirta nabadgalyo wanaagsan,
marka loo eego gobollada kale ee
dalka. Magalooyinkan kuma
arkaysid cid hub sidata,
dhiilo-colaadeed ah ama calaamad
u noqon kara xasilooni-darro.
Nabaddu magaalooyinka kuma
koobna ee waxaay xitaa ka jirtaa
dhulka miyiga ah. Bulshada
deegaanadaas iyo beellaha
Soomaaliyeed ee ay ood-wadaagta
yihiin waxaa ka dhexeeya
nabad-ku-wada-noolaasho ka duwan
deegaanno kale oo aan ka tagay
Geeska Africa. Waxaa kaloo
xiriir iyo wadda shaqayn ay la
wadaagaan waddanka deriska ah ee
Itoobiya, maamullada Soomaalida
ee Puntland, Somaliland,
Gal-mudug iyo Ximan iyo Xeeb.
Gal-Mudug, Ximan iyo Xeeb iyo
maamulka Ahelusuno Waljameece oo
ah maamulka ugu awoodda badan
gobollada dhexe waxaa ka
dhexeeya Xiriir iyo iskaashi
dhow. Waxaa kale oo ammaanka
gobolldda dhexe wax weyn ka tara
iskaashi caqli iyo cududba ku
salaysan oo u dhexeeya maamulka
Ahalu-suna Waljameeca iyo
waxgaradka deegaanada.
Hase ahaatee marka dhinac kale
laga eego Bulshada waxaay kuu
sheegayaan in nabad iyo maamul
midaysan loo baahan yahay, iyaga
oo sababta ka dhigaya in ay
gobolladda dhexe waa nabad
laakiin laakiin waxaa kaka jira
beelihii iyo Maamulladii
(Gal-mudug, Ximan iyo Xeeb iyo
Ahelusuno) oo dhinac ah iyo
Burcadbadeed iyo Al-shabaab,
taas beddelkeedana waxaa
fiicnaan in la hello figrad
midaysa maamullada iyo bulshada
oo dhan. Si kastaba ha ahaatee,
ammaanka gaar ahaan Caabudwaaq,
waxaa xaqiijiyeey ku-xigeenka
Xoghayaha Guud ee Qarammada
Midoobay, oo tagay C/waaq bishii
May.
Nolosha
Nolosha dadku waxaay ku
tiirsantahay xoolaha
dhaqashdooda iyo
ka-ganacasigooda, wuxuuna
deegaankaas ka mid yahay dhulka
ugu xoolaha badan Geeska Africa.
Waxaana intaas u raacda tabaca
kale ee soomaalidu u badan
tahay, marka laga reebo beeraha.
Abaartii hore oo deegaanku waa
ka roonaa, roobkii denbana wuu
ka da’ay wallow uu yaraa.
Haddana abaartu way saamaysay.
Inkasta oo baahida biyuhu ay
dhulka ku badan tahay haddana
C/waaq, Dhabad/ Xeraale iyo
Balanballe waa meelaha ugu roon
xagga biyaha. Qurbo-joogta,
haayadaha samafalka iyo
barakacayaasha si gaar ah ayaa
loo soo dhaweeyaa.
Biyaha
Inkasta ceellasha biyaha tiro
ahaan iyo tayaba wanaagsan
yihiin laakiin waxaa jira dhowr
ceel oo uu ka mid yahay ‘Canjiidle’
oo ka mid ah ceelasha dabooli
jiray baahida ugu badan deg.
Balabbale, in uu hadda fadhiyo
oo u baahan yahay dayactir.
Abaartii hore, biyaha wuqooyiga
G/duud waxaa u baxsatay ummaddii
degenayd gobollada dhexe, Howd,
meello ka mid ah Togdheer iyo
Sool. Hase ahaatee, Baahida
biyaha iyo caafimaadka ee ka
jirta dhulka howdka ah ee ka
tirsan ismaamulka Soomaalida
Itoobiya waa aad u xun. Laakiin
dhinaca nabadgalyada wax
dhibaato ah ma rag mana maqal
intii aan joogay.
Dhinaca isu-socodka waxaa si
joogta ah u yimaada Caabudwaaq
safarro ganacsi iyo socoto kale
oo joogto ah oo ka yimaadaan:
Boosaaso, Berbera, Muqdisho,
Jigjiga. Waxaa sidaas oo kale
safaradu caadi uga yimaadaan
Kismaanyo, Baydhabo, Gedo,
Gaarisa iyo Wajeer. Macayshadu,
sida hilibka, caanaha, biyaha,
kirada guryaha iyo kirada
gaadiidka (BL) intuba waxaay ka
jaban yihiin dhammaan dhulkii
aan ka tagay Geeska Africa, oo
ay ku jireen Muqdisho, Puntland,
Somaliland iyo ismaamulka
soomaalida Itoobiya. Laakiin
biyaha iyo cuntada deegaanada
kale ee ka tirsan gobollda Dhexe
aad ayuu uga xunyahay.
Waxaa meel walba ka muuqanaya
xeryo qaxooti (camps) oo ah
shacab Soomaaliyeed oo ka soo
barakacay colaadaha iyo abaaraha
ba’an ee ka jira gobollada
koonfureed ee Soomaaliya iyo
meello ka mid ah koonfur-bari
gobollada dhexe, oo u badan
xoolo-dhato. Waxaa iyana
barakacaysha ka mid ah dad aan
sidaas u badnayn oo dhinaca
Itoobiya ka yimid. Qaar ka mid
ah Barakacayaashu waxaa
deegaanka ku soo kordhiyeen
farsamo iyo dhaqaale. Haddase
waxaa jira walwal ku saabsan in
abaartu ku dhufato iyo culaab
deegaanku uusan qaadi karan oo
saaran, oo ay ugu daran tahay:
cuntada oo yar iyo dadkii oo
badan oon awoodin in ay
iibsadaan inkasta oo uu jaban
yahayba. Cabsida kale waa haddii
abaartu dheeraato, oo meelaha
qaar ayaad ku arkaysaa
nafaqo-xumo ilmaha iyo dadka
waayeelka ah ka muuqata.
Horumarka
Dhinaca horumarka magaalooyinku
waa kala duwan yihiin,
Caabudwaaq ayaa ugu weyn oo
camiran lehna adeegyadii
asaasiga ahaa oo dhan, sida
Caafimaad, waxbarasho,
dhismayaal isku darsaday qurux
iyo qiimo iyo wixii kale ee
magaallo laga heli jiray oo
dhan. Laakiin kuwa kale sidaas
ma wadda ahan. Tusaale,
Balanballe, waxaa ka jirta baahi
dhinaca waxbarashada sare iyo
caafimaadka ah.

Inkasta oo Xeraale yahay tahay
magaallada ugu dhaw C/waaq marka
laga hadlayo dhinaca horumarka
asaasiga ah haddana sida
Balanballe oo kale ayaa
horumarku bilow yahay.
Magaalooyinka oo dhan waxaa ka
shaqeeya shirkado ganacsi,
hay’ddo isugu jira NGO’s
degaanka ah iyo kuwo Caalami ah.
Hay’daha Caalamiga ah ee
caafimaadka, biyaha iyo
waxbarshada ka qabtay waxaa ku
jira Unicef
Arrimaha Bulshada
Magaalooyinka aan u kuurgalay ee
kala ah Xeraale, C/ waaq, Dhabad
iyo Balanballe waxaa ka jira
ururro Bulsho oo tayaysan (awood
leh). Ururrada Bulshada ee sida
fiican u shaqeeya waxaa ka mide
ah ururrada haweenka, odeyaalka
dhaqanka iyo dhalinyarada.
Ururrada dhalinyaradu isugu
jiraann kuwo Sporti iyo kuwa
‘nabadda’ ka shaqeeya.
Dhalinyarada Sportigu oo ka
kooban kooxo badan waxaay guullo
waaweyn oo dhinaca ciyaaraaha ah
ay u soo hoyiyeen gobolka
G/duud. Magaalooyinka C/waaq iyo
Balanballe, waxaay leeyihiin
garoommo wanaagsan oo lugu
ciyaarayeey galab walba intii
aan joogay. Si gaar ah waxaan
ugu dhabagalay kooxaha Sportiga
Balanballe oo tiro ahaan iyo
tayaba aan layaabay.
Waxaana la kulmay xog-haynta
ururrada Sportiga Balanballe
Farxiya Jayte (Shire Gureey) iyo
tababaraha kooxahaas, Mahad
Cabdullaahi Guulleed (Mahad
Walanwal) oo labaduna ay ka mid
yihiin madaxda sportiga gobolka
Galguduud. Waxayna ii sheegeen
in ujeedka ay tirada iyo tayada
Sportuga Balanballe xoogga u
saareen ay tahay laba arrimood:
midda hore, in dhalinyaradu ay
ka badbaadaan colaadah; midda
kalena ay tahay in dhalinyarada
xirfad loo abuuro.
Doorka Haweenka

Muuqaalkani waa Madaxda dalladda
TAWAKAL ee Deg. C/waaq iyo
qoraaga (A. Gurato. Qoraaguna
waa qofka sadexaad dhan kasta
marka laga tirsho). Waxyaabaha
ururradani qabtaan sida gaarka
ah waxaa ku jira si iskaa-wax-u
qabso ah (volunteer): nabadda,
nadaafada, taakulaynta dadka
tabaalaysan. Waxaa kaloo ka mid
ah tacliinta, caafimaadka,
dhiirogalinta midnimda bulshada
iyo horumarka deegaanka.
Runtiina muran kuma jiro in ay
najiido wanaagsan ka gaareen.
Kaalinta Qurbo-joogtu iyo
Xaallada Caafimaadka
(Hadiya
Hospital)
Caafimaadka-
Horumarka Qurbo-joogta ay
deegaanka ku soo kordhiyeen
waxaa ka mid ah Hadiya Hospital
oo ah Isbitaal wax badan ka
taray baahidii caafimaadka, kaas
oo uu maamullo milkiilana ka
yahay Dr. Crisaaq C/llaahi
Warsame. Isbitaalku waa mid
casri ah, oo dhakhaatiirta iyo
adeegayaalkuba ay aad dadka u
soo dhaweeyaan, wallow ay dhici
karto in aysan wadda dabooli
karin baahida caafimaad ee ka
jirta Wardheer ilaa iyo C/waaq,
oo ah dhul weyn oo miyi iyo
magaalaba ku nool yihiin Bulsho
aad badan (densely populated).
Intaas waxaa dheer, waxaan xitaa
deegaanadaas ku yar xarumaha
lugu daryeelo hooyada iyo
dhalaanka (MCH) iwm.

Degmooyinka Balanballe iyo
Caabudwaaq waxaa ka shaqeeya NGO
la yiraahdo HOPEL, kaas oo
howlaha uu waddo ay ku jiraan
xarun lugu daryeelo hooyada iyo
dhallaanka (MCH)oo Balanbale ku
taal. Iyo arrimo badan oo ku
wajahan sidii garaadka Bulshada
kor loogu soo qaadi lahaa
(seminenaaro joogto) ah.
Baahida Caafimaad ee dhulkaas
waxaa ka abuurmi kara walwal ku
saabsan saamaynta ay deegaankaas
ku yeelan karaan dawooyinka iyo
cuntada dhacay ee la sheego in
laga mushtaro Geeska Africa.
Hase ahaatee, ilaa hadda wax
saamayn ah oo dawooyin iyo cunto
dhacday ah lama sheegin.
Dr. C/risaaq C/llaahi Warsame,
Baahida Caafimaadka kasakow,
wuxuu saamayn ku leeyahay
horumarka kale ee deegaanka; iyo
in qurbo-joog kale iyo haayadaha
samafalkuba ay deegaanka ku
dhiiradaan in ay wax ka qabtaan.
Waxaa xasuus mudan, in Dr.
C/raaq iyo laba nin caddaan ah,
oo cid gaar ah oo ilaalinaysay
aysan jirin aan hamayn 10: 45,
ku arkay ‘faras-magaalaha’
C/waaq. Waliba waxaay ahayd 45
daqiiqo kadib markii layrku
(electric ama koronto) magaalada
ka tagay! Si kastaba ha ahaatee,
micnaha arrintaasi leedahay
waxaa ugu weyn labo oo kal aha:
ammaanka deegaanka ka jira iyo
saamynta Dr.ku ku yeeshay
qurbo-joogta iyo haayadaha
samafalka.
Waxbarashada
deegaanku waa ay kala duwan
tahay. C/waaq waxaa ka jirta
waxbarasho gaarsiisan dugsiyo
sare laakiin aan lahayn
Jaamacaddo iyo dugsiyo farsammo
(colleges). Laakiin, Balanbale,
Xeraale, iyo Dhabad malahan
dugsiyo sare, waxaana ka jira
waxbarasho hoose/dhexe ah.
Dadaallo qabyo ah oo ku -saabsan
sidii dugsiyo sare loo heli
lahaa wallow ay jiraan haddana
waxaa ka badan baahida waxbarsho
ee jirta. (
riix: Codsiga Balanbale)
Meellaha
dugsiyada sare ugu baahida badan
waxaa ka mid ah Balanbale, oo
tiro ahaan ardayda u baahan
dugsiyo sare ee dhamaysatay
dugsiyadii dhexe ay ku nool
yihiin. Muuqaalkani waa dugsi
hoose/ dhexe oo lugu magacaabo
Al-Maymun kuna yaal Balanbale,
kaas oo ay wax ka bartaan 165
(qiyaas). Dugsiga waxaa qabyo ka
ah dhamaystirka dugsigii
sare.Waxaa iyana jira baahi
waxbarasho dadka waaweyn
(seeraale) aad loogu baahan
yahay. Sababta baahida tacliinta
sare u qaaday ayaa noqon karta
dhowr sababood:
·
Bulshada oo aaminsan haddii ay
nabad helleen in ay u baahan
yihiin horumar, horumarkiina ay
tacliintu ku mid tahay.
·
In dhalinyarada aqoon iyo
mustaqbal ka wanaagsan qoriga in
ay u noqoto
·
Dhalinyaradii oo
aragtay(fahamtay) in ay jiraan
fursado badan oo ay ka heli
karaan soomaaliya oo ku xiran
tacliin asaasiya
·
Dadkii waa weynaa oo iyaguna ay
ku abuurantay in naftooda wax u
bartaan.
Hase
yeeshee, meelaha ugu daran
baahida tacliinta hoose waa inta
u dhaxaysa C/waaq ilaa Wardheer
(Koonfur ilaa wuqooyi). Dhanka
kalena Shilaabo Ceel-gaab
(qalqalooc) ilaa Galaadi) (bari
iyo galbeed). Deegaamadaas
badankoodu w/sho hoose/dhexe
malahan. Waana meelaha dadku
waxbarashada u baahan ugu badan
yihiin. Waxaan la yaabay tirada
ardayda iskuul ku yiilay
Dhigdhiko oo u dhaxaysa
Miir-khaliif iyo Burgeesoole.
Ardaydu waxaay ku qiyaasay 200,
iskuulkuna wuxuu ahaa mid dugsi
hoose. Wuxuuna ahaa mida sida la
ii sheegay guurguura, oo hadba
meeshii reer miyigu u bataan la
geeyo macalimiinta. Meeshaas
waxaay noqon kartaa halkii roob
ka da’ay.
Sababta sidaasi looyeelayna
waxaay tahay ilmaha oo reerka
miyiga nolol ahaan aan ka
maarmin. Tusaale ahaan Dhikdhiko
oo kale waxaay u baahan tahay
iskuullo cunto iyo jiif leh si
ay yga maarmaan reerihii
guurguurayeey. Iskuulladaas
waxaa maamulla oo mushaarka iyo
text bixiya dowladda Itoobiya.
Runtiina qaabka ‘mobile’ka ahi
waa mid ilmaha loogu daneeyay.
Garaadka Bulshada
Marka
laga tago kaalinta arrimaha
bulshada ay dumarku ku leeyhiin,
arrinta kale ee la yaab ku noqon
karta dadka qaarki waxaay tahay
in guurtida talisa ee deegaanka
ay kaalin weyn ku leeyihiin
haweenku, taasna waxaa markhaati
u ah muqaalkan (sawir) oo aan
soo qaaday intii aan Balanbale
joogay. Muuqaalku, waa
guurtidii Balanballe oo
dumarkiina ku jiraan oo fadiyana
geedka “dudumaalle” ee looga
arrimiyo Deg. Balanbale, iyada
oo dhaqankii iyo diintii aan wax
loo dhimayn laakiin la wadaagayo
tallada. Arrimaha kale ee
xiisaha lehi waxaay tahay in
dumarku marka ay geedka shirka
tagayaan ay ku labistaan oo
kaliya dharka hidaha iyo
dhaqanka!
Bulshadu waa dad soo dhaweeya
bani-aadamka oo dhan, si gaar
barakacayaasha, hayadaha
gargaarka, socotada (safar ama
danleey kale) iyo qurbo-joogta.
Bulshadu waa wadda xeer iyo
dhaqan-yaqaan, ay meel u taal
wax kasta oo dhexmara iyaga iyo
qolo kale. Nasiib-wanaag, waxaa
dhaqanka iyo xeerarka soomaalida
u dheer maamul nidaamkiisa leh
oo ay bulshadu isku raacsan
tahay deegaanadana ka wadda
jira. Ugu danbaynta Bulshada
Caabudwaaq, waxaa u kala saaran
siyaasadda, nolosha, diinta,
qabiilka iyo dhaqanka. Waa
bulsho aad ku dhex arkayso
dhaqammadii hore.
Waxaase cid kasta oo deegaanka
timaada layaab ku noqon kara
sida gabdhaha, wiilashu iyo
odeyadu ay ula wadda socdaan
ammuuraha ka dhaca deegaanada
Geeska Africa oo dhan iyo waliba
adduun-waynaha. Sidaas oo ay
tahay waxaa dhacda in aysan
qaarkood aqoon luuqadaha
shisheeye, ama ay reer miyi
yihiin.
Layaab kale, waxaa ceeb la ah
in dadka socotada ah la tuso in
ay ka duwan yihiin ‘iyaga’ kuwii
horay u joogay deegaanka, ama la
soo dhawayn-waayo. Waxaay isku
raacsan yihiin in waxa ugu
wanaagsan Geeska Africa ay tahay
‘nabadda’ iyo wada-noolaanshaha.
Nabad iyo wada-noolaansha
kadibna horumar lugu xijiyo
iyada ururrada bulshada mid
walba. Waxay kaloo isku raacsan
yihiin in maamulku la’aan uusan
horumarka jiri karin. Dhinaca
kale, marka la tagaba waxaa
muuqan kara fursado ganacsi iyo
kuwo shaqo oo deegaanadaas ku
badan.
Inkasta oo sidii aynu soo
sheegnayba deegaanku uu hadda
nabad yahay haddana waxaa jira
in gobollada dhexe aysan wali ka
jirin maamul si dhab la isugu
raacsan yahay ayna dhacdo in
maamullada Gal-mudug, Ximan iyo
Xeeb, beellaha iyo Ahelu Suno
mida walba uu haddana maamul u
gaar ah leeyahay. Waxaana kuwaas
ka baxsan oo gobollada dhexe ka
jira Burcad-baddeed iyo
Al-shabaab. Kala-qaybsanaanta
ayaa muujinysa sida waxgaradku
rumaysan yahay laba arrimood oo
kala ah, in dadku uusan
isdiidanayn laakiin la’yahay
figraddii iyo ciddii midayn
lahayd; iyo in mar walba la fili
karo in dhibaato ka dhexdhacdo
bulshooyinkan wadda nool haddana
kala nidaamka ah.
Ahmiyadda Gobollada Dhexe ee
Soomaaliya
Gobollada dhexe waa xuduntii
dalka, oo saamyn ku leh
gobollada bari, wuqooyi
(somaliland) iyo koonfur. Waxaa
dega beellaha ugu badan
soomaalida isla markaana saamayn
ku leh dalka intiisa kale.
Waxaay xuduud dheer la wadaagaan
Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Waxaa dega dad dhaqanka isku
dhow oo wax ku heshiin kara.
Gobollada dhexe tan 1991 marna
la iskuma dayin in
maamul-gobolleed shaqeeya loo
sameeyo. 20-kii sann Dowladdihii
dalka soo marayeey marna ma
aysan siin ahmidda ay leeyihiin
gobollada dhexe. Dad badan ayaa
qaba haddii maamul-gobolleed loo
dhiso gobollada dhexe in
mashaakilka Geeska Africa uu
yaraanayo. Hadda bulshada ku
nool iyaga oo magacyo kala duwan
sida ayeey wadda noolyihiin.
Arrintaasina waxay yeelan kartaa
micneyaal kala duwan.
Marka la isku arruuriyo, Baahida
deegaanadaas waxaay ka mid
ahaa:
·
Cunto iyo biyo
·
waxbarashada, shaqo, iyo kor-u
qaadida garaadka bulshada
·
Ururada haweenka iyo
dhalinyarada gacan la siiyo
howlaha ay wadaan
·
Iyo xirfadlayda oo ka yar intii
loo baahnaa.
Tallo-soo-Jeedin:
1.
Qurbo-joogta iyo Maamullada
A . waxaan u soo jeedinyaa in
Qurbo-joogtu ay daddaalkoodii
labanlaabaan, ciddii kartana ay
dhulka tagto;
B. In qurbo-joogta iyo dhammaan
waxgaradka soomaaliyeed aysan
isku mashquulin siyaasadda ee ay
ummadda badbaadiyaan;
C. In meel la iska dhigo
figradihii lugu kala aragtida
duwanaa;
D. maamullada la ixtiraamo
lagalana shaqeeyo arrimaha
gargaarka iyo wixii kale dan;
E. in haayadaha gargaarka lala
shaqeeyo (cidii karta);
F. in deegaanka laga taageero
waxbarashada, caafimaadka,
biyaha iyo nabadda. Waxaa sidoo
kale Bulshada deegaanku u baahan
tahay in tababarro la siiyo
dhalinyarada si ay shaqooyin u
hellaan iwm;
E. in daraasaad lugu sameeyo
saamynta abaarta ah ay ku
yeelatay dhulka u dhexeeya
Dhuusamareeb ilaa Xarardheere.
Beesha Caalamka:
A. waxaan u soo jeedinyaa
Beesha Caalamku in ay gobollada
dhexe gargaar la gaarsiiyo;
B. in maamullada gobollada
dhexe ka jira laga taageero
dhanka ammaanka inta la gaarayo
maamul mideeya ama ka fiican
kuwa hadda ka jira;
C. Si gaar ah waxaan u
hay’daha samafalka, dowladaha
iyo cid kasta oo doonaysa in ay
wax geeyaan: C/waaq, Dhabad,
Xeraale iyo Balanbale u
dhiiragalinyaa in ay toos u
tagi karaan oo aysan la kulmi
doonin haba yaraatee wax
dhibaato ah, maamulka iyo
shacabkuna ay soo dhawayn
doonaan.
Akhriste, wixii su’aal ah, ku
soo dir emailkan:
gurato2@hotmail.com
Mahadsanid
A.
Gurato
-Dhammaad-