Maamulo beeleedka Puntland iyo Somaliland baa had iyo goor kula kaca hardaamooyin, cusrinimo iyo falal kabaxsan bili'aadnimada dadka kasoo jeeda Koofurta Somalia, iyadoo maamulo beeleedkaasi ay tacadiyo culus u geystaan dadka Soomaalida oo kasoo jeeda Koofurta Somalia kuwaasoo yimaada gobolada ay ka taliyaan maamulo beeleedka Somaliland iyo Puntland taasoo ay duruufo ku kalifaan in ay usoo socdaalaan gobo ay u maleynayaan in kamid yihiin dalka Somalia islamarkaasna ay ku nool yihiin dad Soomaaliyeed balse ay kala kulmaan tacadiyo iyo hardaamooyin ba'an oo kabaxsan dhaqanka suuban ee Soomaalida iyo diinta Islaamka intaba.
 
Qunsulka Somalia u fadhiya magaalada Cadan Mr Hussein Hagi Ahmed baa wareysi uu siiyay maanta 28/01/2012 shabakadda Shabeelle ku sheegay in maamaulada Puntland iyo Soomaliland ay u diideen dad qaxooti Soomaaliyeed ah oo isaga soo laabanayay dalka Yemen in ay kasoo degaan dekedaha ay maamulaan Puntland iyo Soomaliland, deetana arrintaasi waxay keentay in dadkaas masaakiinta qaxootiga Soomaaliyeed ahi ay ku halaagsamaan badaha, qaarna lagu laayo, kufsado, adoonsado, dalalka Yemen iyo Sacuudiga iyagoo tahriib kujira.
 
Ummadda Soomaaliyeed waxay hore ula socotay in maamul beeledka Puntland iyo qowleysatadooda ka ganacsada dadka tahriib doonkaa oo kasoo haajira Koofurta, ay ku daabuleen doomo tacbaan ah taasoo keentay in kumanaan ay naftooda ku waayaan badda u dhaxaysa Somalia iyo Yemen, wixii badbaadana ay adoonsadaan oo si foolxun ay ula dhaqmaan dadka reer Yemen iyo xukuumadda. Arrintani waxay dhegxumo iyo gaboodfal weyn ku tahay shacabka iyo maamul beeleedka reer Puntland waayo waxay ka ganacsadeen dhiig Muslim waxayna muujiyeen xasadnimo, masuuliyad daro iyo iinsaanimo xumo xaddhaaf ah.
 
Ugu dambeyntii, Koofurta Somalia waa lagu wada nool yahay oo majirto reero ama qabaa'ilo gooni loo sooco balse maamulo beeleedka Puntland iyo Soomaaliland waxay dadka Koofurta kasoo jeeda ku sameeyaan haybsooc waxaana sii daran maamul beeleedka Puntland. Qunsulka Somalia u fadhiya Cadan arrintan uu qarinwaayay oo uu si beer ah usoo ifbixiyay waa in waxgaradka Soomaaliyeed wax ka qabtaan oo tilaabo adag laga qaadaa maamulo beeleedka Somaliland iyo Puntland waayo labadaas maamulo beeleed waxay sameeyeen xadgudubyo culus culus oo ka dhan ah shuruucda caalamigaa, bili'aadanimada iyo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed. Waxaa nasiib daro aad iyo aad u weyn ah in qarnigan 21naad ay maamulo beeleed degan gobolo Soomaali u siman tahay, in ay sidaas gunimadaa ula dhaqmaan shacab Soomaaliyeed oo duruufo bani lasoo darseen.

Soomaali waxay ku maahmaahdaa'' Geeloow rasho, ragow barasho'' tii Allaah iyo cadaaladdiisaba waa halkeeda !

By Kaarshe Majiid
Hobyo, Galmudug