
|
|
QURBAJOOGTA DHULBAHANTE EE KHAATUMO 2, MA URUR
SIYAASADEED OO CUSUB BAA.
September 14, 2011.
Waxaa beryahan
soo baxaya oon la soconaa in
dhalinyaro qurbo-joog
dhulbahante ahi ku sugan yihiin
gudaha wadanka, kuwaas oo maraya
tuulooyin iyo degmooyin badan oo
deegaanka ka tirsan, iyogoo
halku-dhegoodu yahay Midayn
Dhulbahante, hadaba waxaa fiiro
iyo xusidba u baahan qorshaha ay
dhalinyaradani wadaan, kaasoo ay
ugu yeereen midayn dhulbahante
haday noqon lahayd xaga
horumarinta deegaanka,
nabadaynta beelaha, dhaqaalaha
iyo siyaasadaba, iyagoo kooxdani
cadaysay inay ka madax banana
yihiin siyaasadaha Hada beeshu
kala aaminsan tahay ee deegaanka
ka jira, haday noqon lahayd
S/land, P/land iyo Maamulka
SSCba, balse aanan cadayn inay
yihiin Urur Siyaasadeed oo cusub,
Inkastoo ay dhowr jeer ka
dhawaajiyey Soomaliweyn.
Waa wax lagu
farxo oo xili hore loo baahnaa,
midnimaduna waa tan aasaaska u
ah beel ama deegaanba, balse
waxaa loo baahan yahay in la is
weydiiyo
1) waxa keenay in
xiligan maamuladii ku sii
badanayaan deegaankii ay
nimankani fadhiga ka kacaan.
2) maxay saamayn
ku yeelan doontaa aragtidani
deegaanka maadaama maamulo kala
duwan oo la kala taageersan
yahay deegaanka ka jiraan, oo ka
taliyaan.
3) Ma dhiig iyo
Dhiilay wadaan mise Dhereg iyo
Dheef bay wadaan.
3) ma garab kale
oo siyaasadeed bay rabaan inay
abuuraan, oo kuwii hore
tiradooda sii
badiya.
4) Ma xal beeleed
bay wadaan mise xal deegaan bay
wadaan.
5) Maxay tahay
Siyaasada ka danbaysa aragtidan
ee dhaqaalaha iyo taakulayntaba
la daba taagan ragani.
6) SSC midnimo
dhulbahante ayuu ahaa kaasoo u
xuub siibtay Maamul Goboleed,
Khaatumo jidkaas
ma Mari doonaa.
Hadii aanan
Su'aalahaas iyo kuwo kale oo
badanba jawaab loo helin, waxaa
xaqiiqo noqonaysa in mugdi
meesha ku jiro, u baahan in
hangoolka la iskaga fiiriyo
intaan haadaanta lagu dhicin.
Hadaan u daadego
aragtidayda igu kalifay
qoraalkan, waa Aniga oo raba in
waxii berri khaldami lahaa aan
isku dayo inaan sii iftiimiyo
oon ka hor-tago si looga
badbaado tafaraaruq hor leh oo
ka dhasha inta la is leeyahay
wax ha la mideeyo, waxaan rabbaa
inaan Halkan ka bayaamiyo, in
hadii qorshaha nimankani wadaan
yahay midayn dhulbahante taasoo
ka madaxbanaan siyaasad ha
noqoto mid cusub amaba taageeris
mid ka mida kuwan hore u jiray
aanu beel ahaan soo dhoweynayno,
balse hadii qorshahoodu ku lug
leeyahay ka ariminta deegaanka
iyo u arimintiisaba oo qaab
siyaasadeed ah, in dhulbahante
ogaado in deegaanka lala dego ee
aysan keli ku ahayn.
Waa xaqiiqo in
Dhulbahante yihiin qabiilka ugu
badan balse taa macnaheedu maaha
in waxkasta oo deegaanka ku
saabsan iyaga loogu daba
fadhiisto balse waa in laga wada
arinsado. Waxaa xusid mudan
Maamulka SSC ee deegaanka ka
jira waxuu isku magacaabay
maamul goboleed metela beelaha
dega gobolada Sool, Sanaag iyo
Cayn, balse dadkii deegaanka
lagama wada qaybgelin amaba
lagalamaba arinsan dhisida
ururkan iyo xubnihiisaba sidaa
awgeed waxay arintaasi noqotay
mid Awood jujuubsi ah iyo in
khalad lagu saxo khalad. Suuro
gal maaha in wax beeli ama kooxi
dhisatay iyadoon beelihii kale
kala tashan ay mardanbe ka
codsato inay ku soo biiraan
iyagoo aysan jirin wax ay kala
socdeen qorshaha iyo aragtida
fog ee ka danbaysa maamulkan la
dhistay.
Sidaa awgeed
ayaan waxaan ka digaynaa beel
ahaan in KHAATUMO2, iska
ilaaliso inay Marto jidkii SSC
Amaba Kii kan ka horeeyey ee
KHAATUMO 1.
Hadaan qodobkayga
sii cadeeyo beelaha dhulbahante
way shiri karaan, aayahoodana ka
tashan karaan, deegaamadoodana
horumarin karaan, siyaasad ay ku
midaysan yihiina samaysan karaan
balse waxa khilaafka iyo isku
dhaca keenayaa waa dhinaca
Siyaasada guud ee deegaanka iyo
ku takri falida awood
sheegashada deegaanka la wada
dego ee beelaha badan ka
dhexeeya.
Beelkasta oo
deegaanka degtaa xaq iyo xaquuq
bay ku leedahay deegaanka,
codkeeda in la
maqlana waa loo baahan yahay
balse aanan Hayb Qabiil AMA
tirro lagu riixin oo codkooda
lyo xuquuqdooda lagu duudsiyin.
Waxaan qabnaa oo xaqiiqo ah in
beeshii 5 Qofi ka degan yihiin
deegaanka la tixgeliyo oon la
duudsiyin, wixii ay xaq u
leeyihiina ka helaan
deegaankooda.
Waxaa xusid mudan
in markii la samaynayey S/land
ay maamulkeeda iyo
wadatashiyadeedaba ka qayb
geliyeen beelaha deegaanka ay
sheeganayso inay maamusho,
tiraday doonaanba ha kaga qayb
galaane waa laga wada dhex
muuqday. Putland iyo galmudugna
sidoo kale ayay iyaguna
beelahaas isugu yeereen, balse
aas-aasidii ururka SSC
aragtidaas way gees martay
deegaankay sheeganayaana
beelihii deganaa lagama wada
qayb gelin wadatashiga iyo
maamulka toona. Khaatuma 2
waxaan uga digaynaa in hadii ay
siyaasada deegaanka aragtidoodu
ku salaysan tahay ay ka
feejignaadaan jidkii kooxihii
hore raaceen. Waxaan filayaa in
Aragtidaydani wax-tar iyo wax u
sheegis tahay, balse aan loo
fasiran wax xumayn iyo
mucaaradnimo-toona, waxaase
muhiim ah in la kala saaro
midayn beel iyo midayn deegaan;
waa laba qodob oo aad u kala
duwan oon isku jid loo marin;
waa lakala aragti duwanaan karaa,
wax la isku diidi karaa waxna la
isku raaci karaa, taasaana xalku
ku jiraa, balse ha la ogaado
beeshii laga tashadaa ama laysku
dayo in loo taliyaa way tashan
oo halkii ay xal moodo ayay
raacaysaa, mana lagu eedayn karo
hadhow wadiiqda ay qaadeen
Qasim A Saleebaan
Afhayeenka Beesha
Fiqishini ee Yurub
kasslmn@aol.com