Fikradda Saliimka ah ee uu Xambaarsan yahay Maqaalkaan Waxay u gaar tahat Qoraaga Soo Qoray, MudugNet iyo Tifatirataasheedu lama wadaagaan fikirkaas Qoraaga Ciddii aan ku qanacsaneeyn Mutids maqaalkaani xambaarsan yahay waxay kala munaaqushoon karaan Qoraaga Soo Qoray.... Mahadsanidiin...
 

Mooryaanta waa in hubka laga dhigo, oo dhaqan celin loo diro

Arbaco, September 21, 2011.



 

Dableyda aan cidna ka amar qaadan ee qoriyaha ku sita magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale ee Galmudug State waxay sumcad daro ku tahay maamulka, maxaa yeelay dableeyda waxay geystaan dil iyo dhac joogto ah.

Sableyda dhexdooda ayaa is dila, mararka qaar waxay dhigtaan isbaarooyin ay gaadiidka lacag uga qaataan, mararka qaarna waxay ku furaan rasaas gaadiidka iyo rakaabka saaran, waxayna rasaastu sababtaa qasaare iskugu jira naf iyo maal.

Hadaba maamulka Galmudug State maxaa la gudboon si uu uga baxo caqabadan cuuryaamisay?

- Galmudug waa in ay qaadataa go'aan lagu xakameenayo hubka sharcidarada ah, islamarkaana dagaal aan kala sooc laheyn ku qaado mooryaanta sumcada maamulka dhulka ku jiiday.

- waa in jufooyinka runta loo sheegaa, oo mooryaankii la dilo, cidii garab u soo noqoto ay la mid tahay mooryaanka la dilay, loona sheego diinta waxa ay ka qabto qaadacu dariiq, hadii ay ku qanciwaayaana dhinac laga noqdo.

-mooryaan maalin dagaalna waxna kama galo, waxa uu yaqaanaa isbaaro jid la dhigto iyo maras la xasuuqo.

maamulka Galmudug waxa uu ka mid yahay maamulada uu UN-ka aqoonsan yahay, balse sidan hadii uu ku sii socdo waxaa lagu dari doonaa liiska kuwa sharuudaha buuxin waayay.

beesha caalamka waxay maanta diyaar u tahay in ay Somali wax la qabato, Galmudug waxay ka mid tahay meelaha caalamka soo jiidan kara, maxaa yeelay waxaa macquul ah in ay
xarun u noqoto dadaalka la doonayo in looga jawaabo abaaraha ka jira Bartamaha dalka Soomaalia. balse soo jiidasha waxaa ka horeeya barnaamij cad oo bilow iyo dhameystir leh si caalamka kalsoonidiisa loo kasbado.

waqtiga mahiimka ah halaga faa'ideysto waa tallo. shirka Garoowe waa in loo diyaar garoobaa? oo qorshe cad lala tagaa goobta.

Xasan Aadan Buurane8@hotmail.com
Muqdisho,Soomaalia