Galmudug: Waxay Ku Hafatay Musuqmaasuq Iyo Maamul Xumo

MudugNet, Sabti, 24ka September 2011.



Maamulka Galmudug wuxuu astaan u noqday musuqmaasuq iyo tayo xumo fadhiidnimaa.

Xag ammaan, maamul wanaag iyo midnimo bulsho, maamulka Galmudug wuxuu ka noqday sabool iyo raja beel. Arrinta mararkan taagan oo fadeexadaa waxaa weeye sida loo maamul deeqdii waxbarashada Jaamacadeed oo ay ummadda Soomaaliyeed ugu deeqday dowladda Turkey. Deeqdaas waxbarasho, waxay Galmudug saami u heli lahayd in kabadan 40 arday oo waxbarasho u aadi lahayd dalka Turkiga, balse sida wararka kasoo baxaya magaalada Gaalkayo sheegayaan, saamigii waxbarasho ee Galmudug waxaa la wareegay Puntland taas oo ku dhacday hab musuqmaasuq. Ardayda Galmudug oo aad iyo aad u caraysan baa maanta bannaan bax ka dhigay afaafka hore ee guriga u degan yahay Madaxweyne Caalin si ay u muujiyaan dareenkooda iyo sida ay oga xun yihiin waxa dhacay, balse waxaa ardaydii raas aqmaxnimaa ku furay maleeshadii waardiyaha u ahayd Caaliin taasoo ahayd fulaynimo wadata maamul xumo aan xad lahayn.
 

Haddaba, maamulka Madaxweyne Caalin waxaa lagudboon in uu umada u sheego sida wax u dhaceen islamarkaasna uu deg deg u joojiyo musuqmaasuqa deeqda waxbarasho, lana soo celiyo saamigii deeqda waxbarasho oo ay heleen ardayda reer Galmudug. Sidoo kale, waxaa waajib ah in xilka laga qaado wasiirka waxbarashada iyo kuwa maamulka katirsan oo ka qaybqaatay fadeexada dhacday. Haddaan nahay aqoonyahaanka iyo waxgaradka reer Galmudug, waxaan siweyn u canbaareeyneynaa dulmiga iyo musuqmaasuqa loo geystay ardayda Galmudug.|
 
By Hassan Shirwa