Maamulka
Galmudug State
waxa uu jirsaday
5 sanno, waxaana
dhihi karaa waxa
uu noqday maamul
lagu liibaanay,
oo
isbarbaryaacii
dalka ka jiray
looga badbaaday.
Waxaa run ah in
riyadii qaarkeed
lagaaray, oo
maamul aduunka
laga
aqoonsayahay
lagaaray, waa
guul maantay,
hadii aan
heysano maamul
la isku raacsan
yahay.
Cudurka maanta
haya Galmudug
State waa
musuqmaasuq
daashaday
madaxda maamulka
Galmudug State,
waana in loo
hawlgalo sidii
loo saxi lahaa
qaladka jira,
lana sii
hormariyo
mirrihii
lagaaray 5tii
sanno ee lasoo
dhaafay.
Waxaan ku baaqi
lahaa in la
dhiso guddiyo
soo celiyo
kalsoonida
shacabka iyo
qurbajoogta
Galmudug State.
Guddiga waa in
uu ka koobnaado
qeybaha bulshada,
waa in la soo
xulaa dad jecel
horumarka
Galmudug oo si
mutadawacnimo ah
u shaqeenaya oo
mushaar iyo
jaggo aan ka
rabin. Waa in la
siiyo awood
buuxda oo ay ku
ogaan karaan
wasaarad kasta
qaabka ay u
shaqeeneyso.
Madaxda maamulka
hadii aan
cannaantay,
waxaan ayaguna
eed la’aan aheyn
Qurbajoogta, oo
sidii la
doonayay uga soo
bixin
kaalintooda,
waxaan dhihi
karaa Galmudug
sidii ay u
bilaabatay uma
socoto, hadii
aysan gaabisga
la kulmi laheyn
oo xawligii ay
ku socotay ku
sii jiri laheyd
maantay waxaa la
arki lahaa
gobollo hor leh
oo ku biiraya
maamulka.
Sikastaba ha
ahaatee, waa in
dhexda loo xirto
adkeynta
maamulka iyo
horumarinta
deegaanada
Galmudug, waxaan
rajeenayaa in
madaxda Galmudug
State, iyaguna
ay dareemi
doonaan gaabiska
dhinacooda ka
jira.
Xaawo Salaad
Kadiye (xaawo92@hotmail.com)
Tel-
252615662322