
DAGAALKA KA SOCDA
DALKEENNU
MA AHA MID U DHEXEEYA SOOMAALI.
Bahweynta
gaalada iyo munaafaqiinta la
socoto ee shacabka Islaamka ah
habeen iyo maalin la dhacaya
madaafiicda sidaasna ku
xalaalaystay dhiigga Islaamka,
ayaa adduunka looga been sheegaa
in uu dagaalku u dhexeeyo
Soomaali. Hase yeeshee sida
runta ah dagaalku waa mid u
dhexeeya Soomaali iyo gaalo ku
soo duushay in aan diinta looga
dhaqmin Soomaaliya ama aanay
dawlad Islaam ahi ka dhalan.
Samaacadda ugu xoogga weyn ee
arrinkaas faafisaa waa Universal
TV. Universal TV wuxuu waddanka
ka joogaa Muqdisho gaar ahaan
qaybta ay gaaladu gacanta ku
hayso, ka dib markii ay ururkii
la dhihi jiray Shabaabtu u
hanjabtay ka dib markii ay
arkeen in aanay arrimaha
Soomaaliya dhex dhexaad iska
dhaaf eh ay si gaar ah ugu
eexanayaan huwanta gaalada iyo
munaafaqiinta kula jirta la
dagaalanka diinta Islaamka.
TV-gu nooc
kasta oo been ah waa uu sheegay
waxayse u darnayd markii ay soo
fadhiisiyeen Shiikh u dhashay
dalka Sacuudiga oo si qaldan wax
loogu soo sheegay si uu u dhaho
wax ay doonayeen in uu dhaho
sidaasna dad Soomaaliyeed oo
caammo ahi u rumeeyaan iyaga oo
ay qabaan in Carabtu naga diin
badiso.
Sida ka
muuqanaysay hadalka Shiikhaas
wuxuu ahaa nin loo soo sheeko
xumeeyey laguna dhahay dagaalka
Soomaaliya waa muslim muslim
dilay, taas oo ah been aanay
waxba ka jirin. Ma jiro ruux
Islaam ah oo aan ogayn in
dhiigga muslimku yahay xaaraan,
Allena xukun adag ka soo dejiyey
markii uu dhahay:
ruuxii mu’min
si bareer ah oo aan xaq ahayn u
dila abaalkiisu waa Jahannamo oo
uu ku waarayo, Alle oo ka
cadhooda markaasna naxariistiisa/jannadiisa
ka xaaraantimeeya wuxuuna ugu
talo galay cadaab keliya.وَمَنْ
يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُتَعَمِّدًا
فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِدًا
فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ
وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ
عَذَابًا عَظِيمًا(النساء 93).
Sida uu
Shiikhu sheegay oo dhammi waa
sax la iskumana hayo in aan
sinno loo bannaysan karin dhiig
islaam in si aan xaq ahayn loo
daadsho. TV universal wuxuu
doonayey in uu hadalkaas u dhaho
Shiikhu aad ayayna ugu farxeen
abaal gudkii ay ku doonayeenna
way uga helayaan gaalada iyo
laba aflayaashooda. Wuxuu kale
oo Shiikhu ka dhawaajiyey in
aanay bannaanayn in lagu xad
gudbo ruux aadami ah gaal iyo
muslimba, taasina waa runtiis.
Marka ula jeedada Shiikhu waxay
ahayd in uu noo sheego in haddii
uu dagaalka Soomaaliya ka socdaa
yahay mid ah muslim dilay muslim
in uu yahay fitno ee uusan ahayn
jahaad. Waan ku raacsanahay
Shiikha 100% cid diidi kartaana
ma jirto in muslim muslim ku
jahaadi karin.
Waxaanse
walaalayaasha Islaamka ah u
sheegayaa in ruuxii muslim ah ee
ruux kale dila ay tahay in loo
dilo, marka ma xadgudub loo
geystey ruux muslim ah miyaa?
Waa maya ee si xaq ah ayaa loo
dilay waxaana lagu dilayaa
amarka Alle. Waxaa kale oo
diinteenna ka mid ah in ruuxii
gaalooba la dilo, iyaduna ma
xadgudubb baa? Waa maya waayo
Alle ayaa na faray in qofkii
muslim ah ee gaalooba la dilo.
Markii rasuulku Alle oofsaday
ayaa Carabtii qaar ka mid ahi
gaaloobeen oo ay diideen in ay
sekadii ay dhiibi jireen
dhiibaan, waxaan amiirul
mu’miniin ahaa Abuubark Sidiiq
raximahu Allaahu. Markaas ayuu
dhaar ku maray in ruuxii qoofal
awr oo uu bixin jiray intii uu
rasuulku noolaa maanta diida ee
salaadda iyo sekada kala saara
aan la dagaalayo ilaa ay ka
bixiyaanna ma dhaafayo.
حَدَّثَنَا قُتَيْبَةُ بْنُ
سَعِيدٍ حَدَّثَنَا لَيْثٌ عَنْ
عُقَيْلٍ عَنِ الزُّهْرِيِّ
أَخْبَرَنِي عُبَيْدُاللَّهِ بْنُ
عَبْدِاللَّهِ بْنِ عُتْبَةَ عَنْ
أَبِي هُرَيْرَةَ قَالَ لَمَّا
تُوُفِّيَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى
اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ
وَاسْتُخْلِفَ أَبُو بَكْرٍ
بَعْدَهُ وَكَفَرَ مَنْ كَفَرَ
مِنَ الْعَرَبِ قَالَ عُمَرُ
لِأَبِي بَكْرٍ كَيْفَ تُقَاتِلُ
النَّاسَ وَقَدْ قَالَ رَسُولُ
اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ
وَسَلَّمَ أُمِرْتُ أَنْ
أُقَاتِلَ النَّاسَ حَتَّى
يَقُولُوا لَا إِلَهَ إِلَّا
اللَّهُ فَمَنْ قَالَ لَا إِلَهَ
إِلَّا اللَّهُ عَصَمَ مِنِّي
مَالَهُ وَنَفْسَهُ إِلَّا
بِحَقِّهِ وَحِسَابُهُ عَلَى
اللَّهِ فَقَالَ وَاللَّهِ
لَأُقَاتِلَنَّ مَنْ فَرَّقَ
بَيْنَ الصَّلَاةِ وَالزَّكَاةِ
فَإِنَّ الزَّكَاةَ حَقُّ
الْمَالِ وَاللَّهِ لَوْ
مَنَعُونِي عِقَالًا كَانُوا
يُؤَدُّونَهُ إِلَى رَسُولِ
اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ
وَسَلَّمَ لَقَاتَلْتُهُمْ عَلَى
مَنْعِهِ فَقَالَ عُمَرُ
فَوَاللَّهِ مَا هُوَ إِلَّا أَنْ
رَأَيْتُ اللَّهَ قَدْ شَرَحَ
صَدْرَ أَبِي بَكْرٍ لِلْقِتَالِ
فَعَرَفْتُ أَنَّهُ الْحَقُّ
قَالَ ابْنُ بُكَيْرٍ
وَعَبْدُاللَّهِ عَنِ اللَّيْثِ
عَنَاقًا وَهُوَ أَصَحُّ
(البخاري).
Iyagana
laguma xadgudbin dilkooduna
wuxuu ahaa xaq, marka nimanka u
hiilinaya gaalada ku soo duushay
in aan diinta Alle lagu dhaqmin
dawlo Islaam ahina ka dhalan
Soomaaliya miyaan ahayn laba
afleyaal galaada la soo dagaal
galay oo uusan dilkoodu xaq
ahayn. Waxaan kale oo doonayaa
in aan dadka muslimiinta ah ee
TV-ga Universal baadiyeeyey
xasuusinayaa in uu Shiikhii
Sacuudiga ahaa dhahay gaalo waa
la soo adeegsan karaa, laakiin
waxaan ka xumahay in uusan
sheegin goorta la adeegsan karo
iyo cidda loo adeegsan karo.
Waxaase cad in marba haddii
dilka nafta mu’minku tahay
xaaraan aan loo adeegsan karin
dilka mu’miniinta, sidaas
darteed waxaa loo adeegsan karaa
oo keliya gaalo kale oo dad
muslimiin ah laynaysa. Matal
haddii Maraykanka iyo Yahuuddu
ku duulaan Eeraan oo ay Ruushka
iyo Shiinuhu u soo hiiliyaan waa
la rabaa laakiin in Sacuudigu
gaalo u soo adeegsado Emrateska
waa xaaraan. Sidaas darteed in
koox Soomaali ahi gaalada diinta
ku soo duushay ay soo raacaan
dadkii Islaamka ahaana laayaan
meesha ay xalaasha ku noqotay
ayaan ka rabaa Shiikha iyo
Universal TV.
Waxaan shaki
lahayn in haddii Shiikhaas
Sacuudiga ah lagu dhihi lahaa
wuxuu dagaalku u dhexeeyaa gaalo
shareecada iyo in diinta
Islaamka lagu dhaqmo diiddan iyo
Soomaali diintooda in ay ku
dhaqmaan doonaysa uu odhan lahaa
waa jahaad fardul Cayn ah ee ha
la galo ciddii diidda ee u
noqota gaalada garab waa riddo.
Waxaan aad u
jeclaan lahaa gabadhii weydiisay
aayadda 28aad Aala Cimraan ee
isku magacawday ummul Khayr in
aan barto waxaana Alle uga
baryayaa in ay uu u aqbalo
magaca quruxda badan ee ay lee
dahay oo ay noqoto ummul Khayr
run ah. Waxaan walaal kuu
sheegayaa in culumadu isku wada
raacsan tahay in ay xaaraan
tahay in gaalo loo soo adeegsado
laguna xasuuqo shacab Islaam ah.
Shiikhuna kuuma jawaabin ee
wuxuu ku dhahay Suucidiguba
Ciraaq ayuu u kaalmaystay
Maraykanka ee miyuu gaaloobayaa,
taasina ma aha jawaabtii
su’aashaada. Waxaan filayey in
uu kuu sheego dhacdooyin uu
rasuulku taagna oo uu ogolaaday.
Ma garan karo
waxa uu UnivTV u soo qaatay
Shiikh Sacuudi ah, ma wuxuu
islee yahay dadka Soomaaliyeed
Sucuudiga ayaa uga aqoon badan
diinta ee Soomaalida maqashii si
ay u rumeeyaan culumada
Soomaalidana u diidaan.
Walaashay waxaan akhriyey 100
tafsiir oo culumo qortay
dhammaanna waxay isku raaceen in
ruuxii gaalo u soo kaxaysta in
uu ku xasuuqo ummad Islaam ah uu
noqonayo gaal. Waxaan arkaa in
Universal TV uu sida shaydaanka
ugu yeedhayo in ay Alle diidaan.
Ku sug qaybta II
oo aynu ku soo qaadan doonno
aayadaha uu Alle noogu sheegayo
xumaanta gaalada iyo ciddii
xigtaysataa in ay gaaloobayso.
Maqaalka oo
dhammays tiranna ka dheeho
www.omersuleiman.co.uk
G/le Sare
Omer Suleiman Ali.
12/12/11