Dowladaha reer galbeedka oo adeegsanaya cadowyada soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed sida Xabashida, Kenya, iwm, baa duulaanno aan kala go lahayn ku haya ummadda iyo dalka Somalia laga soo bilaabo 1990s iyo waliba kahor. Ujeedooyinka dahsoon amaba u muuqda waxgaradka damiirka leh ee Soomaaliyeed waxaa weeye:-
1. Inla gumeeyo, lakala jaro, lana baabiyo dadka iyo dalka Somalia
2. In loo haro oo la gurto khayraadka badan oo ku duugan Somalia
3. In geeska Africa laga waayo dowlad Soomaaliyeed oo xoogleh
islamarkaasna ku tiirsan umad midaysan
4. In Dowladaha Xabashida iyo Kenya loo garbaduubo dadka
iyo dalka Somalia si ay u gumeystaan una boobaan khayraadka
ceegaaga dalka qanigaa ee Somalia balse dad wadaniyiin ah
aan lahayn
Haddaba damiirlaawayaasha iyo dabadhilifyada loo adeegsaday, walina loo adeegsanayo mashruuca gumaadka lagu hayo bartamaha iyo koonfurta Somalia waxaa hormood u ah Faroole, Abdiwali M. Gaas iyo rag kale oo macaruuf ah. Qorshaha dabadhilifyada Faroole and Abdiwali M. Gaas haddii aan la fashilin, waa mid dib u abuurayo dagaalo sokeeye oo horleh islamarkaasna u sahlaya Xabashida , Kenya iyo xulafooda in Somalia laga dhigo sida Kurdishka, sidaas na loowaayo dad iyo dal Soomaaliyeed oo jira oo cisad iyo karaamo leh koonkaan guudkiisa.
Qorshaha Rood-Road Map-ku oo ay u olooleynayaan dabadhilifyada aan waxba garan balse jeebkooda ku caqliga ahi, waamid lagu gumeynaya oo lagu kala qaybinayo umada walaalahaa ee Soomaaliyeed mana ahan Road Mapku mid u keenaya Somalia nabad, midnimo iyo xoriyad, waa qorshe lagu duleeynayo Somalia islamarkaasna lagu galinayo qalalaase horleh oo ka daran fidnooyinkii hore u taagnaa.
Gaba Gabo, waxaad arkaysaa in Somalia ay ku hoos jirto gumeysiga madow ee Xabashida iyo xulafadeeda waxaana metel kuugu filan: Kolkii barlamaan ku sheeggu uu casilay Shariif Xasan Aden, waxaa diiday Xabashida, Faroole, Abdiwali M. Gaas iyo kuwa kale oo dabadhilifyadaan ku shaqeysta. Halkaas waxaa kaaga muuqda in TFGdu tahay wax lagu maadsado iyo riwaayad been ah oo lagu hodayo umadda Soomaaliyeed kolkii barlamaanku sheeggii la diiday go'aankiisa ku salaysnaa -democracy ! Maamulada beenta iyo tayo la'aanta ku dhisan oo kusii kordhaya dalka Somalia waa kuwo ay dabada ka riixayso Xabashida, Kenya iyo xulafooda mana ahan wax Somali dan u ah habayaraatee balse wax u horseedaya dadka iyo dalka
fidnooyin badan oo isqabqabsiyo iyo dagaalo lagu halaagsamo.
Somalia waxay u baahan tahay in dib loo xoreeyo !
Waxaa qoray: X. Shaikh