

14/08/2010
Hordhac:
Dowladd Goboleedka Soomaliyeed
ee GALMUDUG STATE, waxaa la aas
aasay 14 August 2006dii inkastoo
shirarkii lagu dhisay ay
mudadaas ka horeyeen, ka dib
markii sidaas ay go’aansadeen
odayaasha dhaqanka iyo ururada
bulshada rayidka ah, taas oo
daba joogtay markii lagu guul
daraystay shirar badan oo
Soomaliya dibadda loogu qabtay,
dalkuna uu dowlad la’aan ahaa
muddo 16 sanadood ah.
Xeer beegtida iyo Cuqaasha reer
Galmudug waxay astaan midnimo
iyo sal ay ku fariisato u
noqdeen dhismihii iyo
jiritaankii Galmudug, waxayna u
galgasheen oo geed walba u
fariisteen sidii Galmudug u
noqon lahayd dowlad hanaqaada
shirkii lagu aas aasayna uusan
noqon mid dhicisooba.
Waxay dhammaan ergooyinkii ka
soo qeybgaly shirkaas si
aqlabiyad leh oo xor ah u
doorteen madaxweynihii ugu
horeeyey ee Dowladda Goboleedka
Galmudug State kaas oo noqday
Md.Amb. Mohamed Warsame Ali (Kiimiko),
sidoo kalena waxay Madaxweyne
Kuxigeen u doorteen Md
.Abdisalaam Haji Ahmed
Liban(Dhabancad)
Waxaa Galmudug loo dhisay in ay
ka nabad gasho burburkii iyo
baabi’ii ka socday koonfurta
Somalia, isla markaasna ay
dadkeeda iyo Somalida kale ee ku
soo barakacdayba ku naaloodaan
nabad iyo horumar buuxa oo
dhinac waliba leh sida
caafimaadka amaanka iyo
waxbarashada heerarkeeda kala
duwan. Ujeedooyinka Galmudug loo
dhisay marna kama mid ahayn in
ay ka go’do Somalia inteeda
kale, waxaana axdigii Galmudug
lagu dhisay sal iyo unugba looga
dhigay in ay dowlad Somaliyeed
oo federal ah ama nidaamka
hooska soo dhiska ah (bottom-up
building system) raadiso
ayna sidaas uga midnoqoto
Somalia inteeda kale.
Waxaan rabaa in aan qoraalkaan
ku soo koobo Laba marxaladood oo
ay Galmudug soo martay Ama ay
hadaba harsaneyso aniga oo
koobaya. Marxaladii I aad oo ah
Sadexdii sano ee Mr Kiimiko iyo
Mr Dhaban Cad, marxaladda II aad
oo ah, Marxalada ee Mr Caalin
iyo Mr Guled.
Marxaladii I aad:
xukuumadii ay madaxda ka noqdeen
Mohamed Kiimiko iyo Dhabancad
waxay ahayd xukuumad aan
marnaba wax la taaban kara ka
qaban maamulkii loo igmaday iney
majarihiisa qabtaan marka laga
reebo iney waqtigoodii ugu
badnaa ku qaateen dalka
dibadiisa iyo sharci ahaan la
wada ogson yahay inuu sharci
ogolaanaya inuu dalka intaas ka
maqnaado madaxweyne ama ku
hogaanka ugu sareeya ee dowlada
ama maamul kale haya. Waxaa
xukuumaddaas horyaalay hawlo
aad u culus, mana jirin wax
xarumo ama xafiisyo dowladeed ah
oo ay ka dhaxashay dowladii
burburtay, iyadoo dalku lix iyo
toban sano burbursanaa wax
kasta oo qaran lahaana la
bililiqaystay, sidoo kalena
waxaa burbursanaa dhammaan
hay’adihii dowliga ahaa, sida
ciidamadii dalka haday ahaan
lahaayeen Military, Police,
asluub ama Daraawiish.
Waxaan iyaduna haba yaraatee
jirin hanaankii dakhli ee
dowladi ku shaqayn lahayd mana
jirin wax cashuur ah oo dalka
laga qaadi jiray marka laga
reebo khidmad aad u yar oo kooxo
maleeshiyaad ka soo gali jiray
jidgooyooyin.
Mudadii saddexda sano ahayd ee
ugu horaysay Galmudug waxay
dhaxashay waxqabad kii ugu
liitay ee ebid soo mara maamul
goboleed ay dhiseen odayaan
dhaqameed kuwa ugu sharaf badan,
wallow aan la dafirin Karin
dhaqdhaqaaqyo ay wadeen dad isku
tagay kuwaas isku jiray QARAN
iyo QURBA JOOG, macnaha waxaan
ula jeeda rag ay ka go,an tahay
iney galmudug taabad gal noqoto,
qurba joogna waa shaqsiyaadkii
qaatay biladii sanadihii la soo
dhaafay.
Waxaa kale aan meesha ka
maqneynin xitaa xukumadii
kiimiko ay awood u yeelan weysay
iney ka dhaadhiciso in ay
caalamka iyo Somalidaba ka
dhaadhiciso habka federaliga ah(Federal
System Government) oo
dadka reer Galmudug u arkayeen
in dalka lagu xasilin karo gobol
walbana lagu gaarsiin karo
horumar iskiis ah iyadoo ugu
danbayntiina Madaxweynihii
Galmudug oo masraxa ka tagay
isagoon wax qadan muuqda aan uga
tagin bulshadii xilka u
dhiibatay.
Marxaladda IIaad:
Marxaladda labaad waa tan hada
hogaamisa ee uu madaxweynaha ka
yahay Madaxweyne Md Maxamed
Axmed Caalin Madaxweyne ku
Xigeenkana uu ka yahay Md Cabdi
Samad Nuur Gulled, waxaana la
doortay Janaayo 2010 qilaaf
dheer dabadii xal la gaaray ayey
masraxa ku yimaadeen.
waxaa horyaalay iney xaliyaan
caqabado fara badan oo ay ka
dhaxashay dowladii ka horeeysay
sida in xal loo helo arrimaha
dhaqaalaha oo salka loo dhigo,
la dagaalanka Gaajada iyo
Tahriibta, waxaa kale oo iyaduna
arrin adag oo in la wajoho ay
tahay ahayd, Kooxa diimeedka oo
ay ugu horeyso Ahlu Sunna oo ah
maamul kale oo aan la dafiri
Karin jiritaankii marka la eego
koofurta galgacyo saameynta ay
ku leeyihiin iyo soo
laalabashada siyaasiga gacan
saarka la leh ee Cabdi Shukri
Ali Hersi .
Waxa ay dowladdan hada jirta
qabatay ama muuqda ama aan is
kale u dhahee qarsoon oo jira ma
jiraan hadaan la is qaldin oo
ama aan shacabka la
jahwareerineynin, waxey xitaa
abuuri la dahay barnaamij ay ku
dhaqaaqdo oo mustaqbalka laga
dhaxlo inkastoo mararka qaar la
yiraaho dowladan waxey dhisan
tahay muda gaaban, balse ilaa
hada waxaa muuqda kaliya waxa
weeyaan dabaal daga kooxda
suniyiinta ka wadaan koofurta
galgacyo iyagoo waliba leh
ciidan fara badan oo mushaara
qaata.
Gebogebo:
Laguma soo koobi karo qormadaan
gaaban dhammaan dhacdooyinka
taariikhiga ah ee ka dhacay
Galmudug State, sidoo kalena
qorshahaygu ma ahayn in aan
halkaan kaga hadlo dhaliisha
maamulkan ama maamuladii ka
horeeyey lahaayeen hase ahaatee
waxaan qormadaan uga dan lahaa
in aan wax yar ka iftiimiyo
Galmudug Ujeedada loo dhisay iyo
waxa u qabsoomay Muddadii ay
jirtay ka dib waqtigii la aas
aasay oo ku began bishan 14
August 2010. Isku soo duubo
dowladda Galmudug Afartii sano
ee ay jirtay wax u qabsoomay ma
jiraan oo waxqabad ah oo la
taaban karo, waxayna ka
badbaaday oo kaliya jiritaanka
magaca GALMUDUG iyo xaaladda
qalafsan ee ka jirta Somalia
qaar ka mid ah , Galmudug ma
helin ay kalsoonida caalamka
xitaa looma tusin meel ka amaan
gashay dagaal diimeedyada daba
dheeraaday ee ka jira caasimada
iyo gobolada ku xeeran, taana
waa dhaliisheeda iska leh
hogaanka Maamulka Galmudug.
Waxay dadka reer Galmudug ku
guulaysteen in ay horumariyaan
ganacsiga iyo arrimaha bulshada.
Dhanka kale waxaa lagama
maarmaan ah in la xuso in aysan
Galmudug waxna ka helin dhammaan
himilooyinkii loo dhisay sida,
kobcinta ilaha dhaqaalaha,
amaanka, iyo xiriirka caalamiga
oo aad looga shaqeeyo . waxa
kale oo Galmudug ku
guuldaraysatay intii ay jiray
in aysan ka hir galin habka
dimoqraadiyadda iyo nidaamka
axsaabta badan (multi
party system)
Si kastaba ha ahaatee dadka reer
Galmudug waxaan u rajaynayaan
in ay arkaan Galmudug oo amaan
ah, gaartay horumar dhaqaale oo
la taaban karo, ayna ka
hirgashay dowlad hanaqaaday
kana mid ah dowlad Soomaaliyeed
oo federali ah.
Wixii aan asiibay alle ayey u
sugnaatay wixii aan qalday
sheydaan ayaa lahaaday
Wabilaahi towfiiq
Mustaf Hassan Ahmed
London-Uk
mustafhassan@hotmail.co.uk