
|
|
Weerar Lugu Hayo Taariikhda
Soomaalida
Isniin,
18ka Janaayo, 2010
Waxaa socda olole xiriirsan oo
ay wadaan Cabdullaahi Yuusuf
Axmed, BBC-da laanta afka
Soomaaliga, Television Universal
iyo Shirkad kuwa xawaaladaha
ah. Ololuhu wuxuu ku saabsan
yahay sidii looga beensheegi
lahaa taariikhdii iyo
waxqabadkii kacaankii 21kii
October ee uu hogaaminayey
AUN
Madaxweynihii hore Gen. Max’ed
Siyaad Barre.
Barnaamij taxane ah ka kooban 12
qaybood oo loo baxshay “taariikhda
soomaalida”
BBC-duna samaysay ayaa lugu
doonayaa in shacabka lugu khaldo
si aysan u fahmin xaqiiqda wixii
dhacay ama waxyaabaha hadda
socda, inkasta oo ay ku caddahay
taariikh ku sheega qaybteeda
hore oo cidda is haysa ay tahay
ISTICMAAR iyo dad u addeega iyo
ummad xaq doon ah. Waxana
taariikh ku sheegaana waxaa
qoray Isticmaarkii iyo dadkii uu
watey.
Bilowga Barnaamijka oo ka
hadlaya taariikhdii halgankii
Daraawiishda ee uu Hogaaminayeey
Sayid Max’ed Cabdulle Xasan iyo
xoogaggii Biyaaal iyo Shiilaal
la dagaallami jiray Isticmaarkii
Talyaniga oo watay ciidammo
isugu jiray Carab iyo Soomaali
waa macquul. Laakiin marka la
soo gaaro geeridii
AUN
Madaxweynii hore, Dr.
Cabdirashiid Cali Sharmaake
arrinku wuxuu isku bedelay cay
iyo cambaarayn lugu
waxyeelaynayo Madaxweyne Max’ed
Siyaad Barre, iyaga oo mar walba
wax ka weydiinya rag waligood
mucaarad ku ahaa Max’ed Siyaad,
laakiin dadka qaar sheegaan in
ay waligood cadow u ahaayeen
maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.
Raggaas waxa ka mid ah: Axmed
Max’ed Max’ud (Siilaanyo), Gen.
Max’ed Nuur Galaal, Cabdirisaaq
Xaaji xuseen iyo kuwo kale.
Ragan marka ay ka hadlayaan
Max’ed Siyaad Barre waxaa ka
muuqda dareen iyo hadallo
caadiifadi ka buuxdo.
Dhagayso
Su’aashu la isweydiin karo waxay
tahay maxaa xilligan oo ummaddii
soomaaliyeed murugo ku jirto
loogu soo beegay
taariikh-beenaadkan?
Waxay il tahay in jawaabtu
sahlantahay, oo Kuwii dalkii
iyo dadkii soomaaliyeed
burburiyeey oo wali ciilqaba ay
doonayaan in ilamaha dhalan
doona been u sheegaan haddii
ayanba uurka hooyadood ku dilin.
Barnaamijka taxanaha ahaa ee
BBC-du samaysay wuxuu sheegayaa
in Kacaankii uu qabtay qoristii
afka Soomaaliga qoray, uuna
qoray
AUN
Muuse Galaal. (Dhagayso
Y. Garaad iyo Harari).Waxaana
la ogyahay in uu afka Soomaaliga
uu qoray
AUN
Shire Jaamac Axmed (Juge) Muuse
Galaalna uu Guddigii
Afsoomaaliga guddoomiye u ahaa.
Dhawaan ayaa Cabdullaahi Yuusif
Axmed, Television-ka Universal,
ka sheegay arrimo layaab leh oo
ay xitaa ka mid ahayd in xigtada
Cabdullahi Yuusuf “Max’ud
Saleebaan” ay Max’ed Siyaad
reeraha u masruufi jireen. Waxaa
kaloo horay u jirtay dhacdo taas
la mid ah oo ku saabsanayd
Marwada u dhaxday Madaxweynihii
hore Dr. C/qaasim Salaad Xasan
oo uu meel fagaare ah C/ Yuusuf
wax uga sheegay. Caadiifaddii uu
u qabay C/Qaasim, ayaa u diiday
in uu xitaa wax ula haro gabadha
oo uu sheegayo in uu isagu
“Cabdullaahi Yuusuf” abti u
yahay. Arrintaas oo cabdullaahi
iyo xigtadiisu aysan xaal iyo
xumayn kama bixin.
21kii October, Television-ka
Universal wuxuu qabtay barnaamij
sidaan markii hore u qaatay lugu
doonayeey in looga jawaabo
su’aal ahayd “ma loo darsaday
KACAANKII?” waxaana ka qayb
qaatay Gen. Max’ed Cali Samatar,
Gen. Axmed Saleebaan Cabdalle,
Cabdi Xoosh Ashkir iyo dadweyne
badn oo kale. Hameenkaas howl
mihiim ah oo aan lahaa ayaan u
baajiyeey in aan xiisaha
barnaamijkaas aan u qabay aan ka
bogto, waxana kursi sii dhigtay
televionka hortiisa 10 daqiiqo
ka hor xilligii barnaamijka si
aysan wax ii dhaafin. Nasiib
daro wakhtigii wuxuu ku
dhamaaday su’aallo ku saabsanaa
hantidii Cabdi Xoosh iyo
xiriirkii uu la lahaa Max’ed
Siyaad Barre; wakhtigiina wuxuu
dhamaaday su’aashii oo aan laga
jawaabin.
Waxanan ilaa hadda ilaawin
saddex waxyaabood oo hameenkaas
dhacay: mida hore, in wariyihii
Universal Cawil Daahir Salaad,
uu sheegay in uu hadda ka hor
Indian Ocean-kii Muqdisho ku
arkay Cabdi Xoosh dad jir-dil ku
samaynaya (garaac). Midda labaad,
Television-ku wuxuu hameenkaas
dad weynaha u tusay in kacaankii
uu reer lahaa. Midda ugu
danbaysana, wakhtigii wuxuu
dhamaaday su’aashii “kacaankii
ma laga raystay?” oo an laga
jawaabin. Kadibna dad badan
ayaan weydiiyay dareenkooda ku
saabsan sidii ay u arkeen
barnaamijkaas waxay si isku mid
ah iigu sheegeen in ay qabaan
niyad-jabka igu dhacay oo kale.
Baaritaan danmbe oo aan sameeyay
ayaan ku ogaaday in Cabdullaahi
Yuusuf uu televisionka saami
(share) uga iibiyeey Axmed Cawar
oo horay loogu eedayn jiray in
uu dhunsaday lacag (hanta Qaran)
oo ay lahayd Warshadii Sonkorta
ee Mareerey muddo dheerna ahaa
wakiilka Engriiska u joogay
Cabdullaahi Yuusuf. Intii Axmed
Cawar Tevision-ka uu soo galay
maamulkiisa waxa hoos u dhacay
tayadii televionkuba iyo
sumcaddii ay ummadu u haysay.
Ujeedka uu Cabdullaahi Yuusuf uu
Axmed Cawar saamiga ugu iibiyeey
(65%) ayaa lugu sheegay laba
arrimoddd: midda hore, in
television oo markii hore qayb
weyn ka qaatay burburinta
siyaasaddii Cabdullaahi Yuusuf
ay gacanta ku dhigaan; mida
kalena in iyagu wixii ay
doonayaan u sheegaan shacabka.
Sida barnaamijyada ka muuqata
BB-da, Universal TV, C. Yuusuf
iyo madaxdii SNM “Siilaanyo”
waxaa isku xira C/Salaan Harari
oo ah “the best Player”
Cabdirixmaan Faroole oo maamulla
Puntland, oo is leh waxaad qaban
kartaa wixii odeyga Cabdullaahi
qaban waayeey ayaa Universal ka
sheegay sidan: “Haddii
Somaliland laga qanciyo 53 arday
ee sida waxashnimada ah loogu
dilay in Soomaaliya xal loo
helayo” . Faroole wuxuu
moogyahay in denbigaas isaga
maanta loo haysto sababtoo ah
markii arrintaasi dhacaysay
wuxuu ahaa agaasimihii Guud ee
Bankiga Ganacsiga Soomaaliya
wuxuuna ka mid ahaa
mas’uuliyiintii dalka ugu
sareeysay. Waxayna ahayd haddii
uusan xasuuqa raali ka ahayn in
uu maalintaas ka hadlo. Sidaas
si le’eg markii Diyaaradaha sida
qaldan shacabkii Hargeysa lugu
duqaynayeey Faroole wuxuu
maamulayeey Bankiga Hargeysa oo
maalintaasna wuu hadli karay
laakiin ma dhicin ee ma laga
yaabaa in uu xasuuqa qayb ka
ahaa?
Waxaa kaloo la ii sheegay in
Axmed Cawar iyo televion-ka
Universal, Cabdisalaan harari,
Yuusuf Garaad, wiil Faroole
dhalay, iyo ka mid ah shirkadaha
xawaaladaha ay muddo wadeen
waxyaabo aan baaritaan ugu jiro
in aan xaqiijino.
Yuusuf Garaad, C/salaam Harari,
iyo Universaltv, haddii ay
taariikh ka hadlayaan waxay
ahayd in ay taariikh ahaan u
sheegaan dowladihii shisheye
iyo Soomaalida ahaa ee u
adeegayeey, ayna ka run sheegaan
taariikhda xaqiiqda ah ee ay
leeyihiin Cabdullaahi Yuusuf,
Gen. Galaal Iyo Siilaanyo. Waxay
kaloo ahayd in ay ka hadlaan
raggii bixiyeey dhulkii
Soomaalida ee “NFD”, ciddii
qaybta weyna ku lahayd dilkii
Madaxweynihii hore C/Rashiid
Cali Sharmaake. Iyo eedaha Gen.
Galaal Soomaalidu u haysato oo
ah in uu intii lugu jiray
daggaalkii 77 uu laayeey
boqollaal saraakiil iyo sarakiil
xigeen ahayd oo loo soo xulay in
bilad-geesi iyo darajooyin la
siiyo. Kuwaasi ma waxay ahaayeen
Max’ed Siyaad Barre?
Marka dhan kasta laga eego
Barnaamijka BBC-du samaysay kuma
jiro hal wax oo wanaagsanaa oo
Kacaankii qabtay, marka laga
reebo Qoristii Afsoomaaliga oo
ay dheheen waxaa qoray Muuse
Galaal, halkii ay ahayd in
sheegaan in uu qoray shire
Jaamac Axmed (Juge); waxaana si
lidasho ka muuqato loo yiri
guddigii afka soomaaliga ayuu ku
jiray Shire.
Sababta macquulka loogu
egaysiiyeey taariikhdii
daraawiishta intii ka
danbaysayna looga beensheegayo
aya ah in dadka loo muujiyo in
run loo sheegayo si ay u
dhagaystaan markaas kadibna
marka la hello attention-ka
dadka in ay u sheegaan waxaan oo
kale. Arrintan oo kale ayaa
waxaa wadaa dowladda Jabuuti.
Haddaba waxaan Soomaalida
leeyahay waxa la dhibaataynayo
ma ahan Max’ed Siyaad ee waa
adinka. Sidaas daraateed adinka
ayaa la rabaa in aad u
jawaabtaan kuwa doonaya in ay
idin wareeriyaan. Tan kale,
waxaan hubaa in rag badan oo
soomaaliyeed ay ceeb iyo waxaan
soomaalid u fiicnayn u arkaan in
ay u jawaaban laakiin Aniga oo
wakiil ka ah Gabdhaha
Soomaaliyeed in aan difaaco
taariikhda halyeeyadii
Soomaalida wax u qabtay, kuwo
denbiileyaalka ah ee noolna
waxaan u soo jeedinayaa in ay
ummadda saamaxaad weydiistaan.
Khadro Osman
Khadro2000@hotmail.com
Taariikhda Soomaalida ee laga
been-sheegayo:
riix halkan
Faallo:
Universal
TV oo ah qolyo aan xiriir wada
shaqeyn leenahay ayaan si gaar
ah uga digi doonaa inaaney la
mid noqon Qowleysatada BBC da oo
xitaa Link gii aan ka sarnay
website keena waqti hore, Waxaan
rajeynayaa in Universal fahmaan
ragga aan sumcadda laheyn
inaaney ka warsan taariikh
Soomaaliyeed khaas ahaan
cabdullaahi Yuusuf oo ah
mujrimka ugu weyn taariikhda
ruux Soomaali sheegta, markey
Universal noo soo direen
Wareysigiisii dib ayaan ugu
celinay anagoo muujineyno inaan
axadkaas aan Diin iyo dadnimo
toona wadaagin, ruux kasta oo
wax garad Soomaalinimana ku
dheehan tahay waa inuu
mowqifkaas ka istaago, Mahad
gaar ah walaasheen Khadro Osman
oo ifisay falalka fawaaxishta ee
BBC da odayada Qaa'imul wadanka
ah oo qaarkood ku caasiyeen
Halyeygii wax ka dhigay Waa
maxamed Siyaad Barre (AUN).
Cabdirisaaq cadde -
Tifitiraha Ra'yiga dadweynaha ee
MudugNet,