
|
|
Mustaqbalka
Bariga Afrika Wuu Madowyahay
Sabti 16ka Janaayo, 2010
Burburka aan Soomaaliya wax u
reebin wuxuu u muuqdaa in uu
aafayn doono wadammada bariga
Afrika ku yaal oo dhan “IGAD”.
Sida la ogyahay burburka
baaxadda weyn leh midka ugu
darani waa ku dhacay bulshadii
ee dooransiiyeey diintii,
akhlaaqdii, damiirkii iyo
garashadii ummadu lahayd. Maxaa
yeelay haddii damiirka iyo
dadnimadu ay caafimaad qabaan oo
la isweydiin lahaa “maxaa
xigi” mar hore ayaa
wixii khaldamay la sixi lahaa.
Sanadkan cusub “2010”
sida shacabkau qabaan, waxaa
Soomaaliya u buuxsamay labaatan
sanno
(20)
oo caddaab adduun ah waana
sanadkii ugu xumaa ee soo mara.
Sababtoo ah waxaa dadku xeryo ku
kala ootey DKG, Al-shabaab,
Xisbul-islaam, Puntland,
Soomaliland,
Ehulu-sunno-waljameeca, Gal-mudug,
burcad-baddeedka qaarkood iyo
Amisom. Kooxahan dadka qaar
ayaa ugu yeera “qandaraasley”
waxay ku haminayaan in ay
xukun[i]
iyo lacag helaan laakiin
waxay ka cawaaqib xunyihiin
kumannaanka ay adduunka ku
silciyeen intii dhimatay Allaha
u naxariiste.
Qolyahan Soomaalidu eersatay
waxaa kaloo ka mid ah Xafiiska
Qaramada Midoobay ee Nairoobi,
dhowr hay’dood “NGO’s” oo
sheegta in ay nabadda iyo
horumarka ka shaqeeyaan. Waxaa
kaloo ka mid ah shaqsiyaad iyo
ururro (cummunities) wadanka
dibaddiisa ka shaqeeya, waxana
isa soo taraya warar sheegaya in
dhalinyaro caraysan oo soomaali
iyo ajanaba ah ay Soomaaliya ku
soo qulqulayaan, kuwaas oo ka
yimaata wadamada reer Galbeedka
iyo Asia.
Gobollada iyo degmooyinka
Soomaaliya waxaa ka jira
ciidammo hab-beelleedyo ay ku
arruuriyaan niman isku sheega
shiikhyo, siyaasiyiin, ganacsato
iyo aqoon-yahanno (profesors),
ciidamadaas oo loo kala
gacan-galiyo kooxaha magacyada
badan ee Soomaaliya isku haya.
Dhalinyarada sida xun loo
askareeyo oo da’doodu u dhexayso
14-22 sanno jir ayaa marka
dhaawac ama dhimasho ay soo ay
ka soo gaarto daggaallada waxay
gacan ka helaan oo kaliya
ehelkood oo horey uga
walwalsanaa in qolo u ciilqabtay
ay u isticmaasho wiilashooda.
Waxaa dhici karta in hal beel oo
degta hal deegaan ciidan looga
wada qoro kooxaha aynu kor ku
soo sheegnay dhammaantood marka
laga reebo Amisom. Waxaa la
sheegaa in ay jiraan dhalinyaro
yiraahda: “waan ka xumahay in
aan dadkayga laayo laakiin shaqo
iyo taclin ka fiican ayaan
waayeey”
Qofka ku biiraya “qandaraasleyda”
sharuudaha laga rabo waxaa ugu
mihiimsan in uu masiibo ugub uu
ka shaqayn karo adduun iyo
aakhirona uusan rajo ka qabin.
Waxaa iyana jira dhowr arrimood
oo kooxahani “qandaraasleyda”
ahi (DKG, Al-shabaab,
Xisbul-islaam, Puntland,
Soomaliland,
Ehulu-sunno-waljameeca, Gal-mudug,
burcad-baddeedka) ay wadaagaan,
oo ay mid tahay: in qolo kasta
oo iyaga ahi ay sheeto in ay
ajanebiga diidanyihiin, waxaana
la ogyahay in gidigood ay
ajanebi gabaad u yihiin. Midda
labaad, badankoodu waxay
xasuuqaan dadka shacabka ah oo
ay ugu horeysiiyaan wax-garadka
iyo aqoonyahanka saxda ah.
Waxaana jira bahdil iyo
cagajugleyn lugu hayo
odey-dhaqammeedka nool.
Hallaaga Soomaaliya yaal wuxuu
soomaalida ku asiibay meel kasta
oo ay dinida ka joogaan, sida
Yurub, America, afrikada iyo
Asia.
Dhiigga sidii wabi fatahay u
qulqulaya wuxuu soomaalida ka
mashquuliyay in ay arkaan
quwadaha Neaglear-ka haysta ee
dushooda mindiyaha ku lisanaya,
kuwaas oo sheegta in ay u
joogaan xeebaha Soomaaliya
ilaalinta “burcad-baddeedda”.
Waana suurogal haddii aan xal la
helin in uu dhex maro daggaalkii
saddexaad dunida (third world
war). Akhristow, dagaalkaas oo
laga yaabo in uu adduunka oo
dhan saameeyo waxaa haddana
baajintiisa gacan weyn ka qaadan
kara shacabka Soomaaliyeed inta
nool ee u kala xeraysan
QANDAARLAYDA.
Waxan la kulmay nin yiri:”
hameen ayaan u hoydey (seexday)
xaafad nabdoon oo ah “dhex-ku
bari” kana fog meelaha kooxuhu
isku hayaan ee Muqdisho. Saqdii
dhexe ayaan ku naxnay diryaanka
rasaasta noocyadeeda kala duwan,
oo ka soo dhacaysey wuqooyiga
iyo koonfurta, oo la moodo in
lugu bartilmaameedsanyo gurigii
aan wax uga jiray. Subaxdii
marki waaga baryeey ayaa
dariskii isku soo baxay iyaga oo
is weydiinaya sababta xalay loo
wareeray iyo cidda weerartay.
Xaafaddo daris nala ahaa aaska
dad carruur iyo dumar u badnaa
oo hameenkii dhinaty iyo dhaqtar
gaynta dad noloshooda adkayd oo
madfac dhinac gooyeey.
Markiiba waa la ogaaday ciddii
wax ku noqotay laakiin lama
garan ciddii dhibaatada gaysatay
iyo ujeedkeedu wuxuu ahaa.
Kadibna goor dadweynihii isku
soo baxay ay gurahoodii ku
laabdeen ayaa Idaacadda BBC-du
sheegatay in dagaalkaasi u
dhexeeyay Xisbul-Islaam iyo
Ciidamda Dowlada. Kadibna dad
badan ayaa arrintii ka xumaaday
oo la hadlay madaxdi dowladda
iyo Xisbi-Islam waxana noo
xigtay Shiikhii culumada ugu
weynaa oo leh oo ah hoggaamiyaha
Xisbul Islaam oo leh “adkaysta”
Waxyaabaha kale ee isa soo tara
waxaa ka mid ah in kooxdii ama
shaqsigii aan ajenabi helini uu
asaagi ka haray! Dhinaca kalena,
dowladdo iyo ururro shisheeye
ayaa mid walba doonayaa in uu
xoogaa Soomaali ah hantiyo. Dad
badan ayaa rumaysan in sababta
kooxahani ay u diidanayeen
joogitaankii Ciidamadii Itoobiya
ay ahayd in iyagu ay qandaraasyo
ka helaan xasuuqa shacabka oo
aysan ciidamada Itoobiya ku
diidanayn aragti kale.
Buunbuuninta iyo dhacdooyin
yar-yar oo masiibo laga sameeyo
iyo soo bandigida waxyaabo
damiirka iyo xal-u-hellida
Soomaalida u darran waa qaybta
ay saxaafada Soomaalidu ku
leedahay halaajinta Soomaalida
iyo muujinta guul-darrada
Soomaalida ku dhacday
“failure”. Marka meel la iska
dhigo websites-ka xad-dhaafka ah
oo aan la aqoon cid maamusha iyo
nidaam loo raaco midna, kuwo
mudan in lagala xisaabtamo
denbiyada ay galayaan waxaa ka
mid ah BBC-da laanta
afsoomaaliga iyo television-ka
Universal, oo caaddeystay in ay
soo daayaan warar iyo
barnaamijyo aan mudnayn in
bulshada loo soo bandhigo; waxaa
jira qoysas Soomaaliyeed
(families) oo satellite guryaha
u dhigtay si carruurtu dhaqanka
iyo af-soomaaliga uga bartaaan.
Nasiib-darro, waxaa la arkay
carruurro badan oo cuqdad ka
qaaday muuqaallo iyo barnaamijyo
si aan xirfadeysnayn looga soo
bandhigay television-ka
Universal iyo idaacadda BBC,
taasina waxay keentay in guryo
badan laga dejiyeey satellite-yadii
soo gudbin jiray warbaahinta
anshaxa daran.
Wariyeyaasha iyo macaamiishooda
(audiences) waxay u muuqdaan in
ay ku raaxaysanayaan muuqaallo
ku jira warar iyo barnaamijyo
araxan-darro ka muuqato oo ku
saabsan tacadiyada loo gaysto
dadka rayidka ah. Waxaana xasuus
mudan in warbaahinta
afsoomaaliga ku hadasha intooda
badan sida Universal TV, in
aysan ka hadlin wararka iyo
dhacdooyinka caalamka iniisa
kale ka dhaca. Maxay tahay
sababtu?
Ogow waxa la doonyo ma ahan in
uu dagaal dhaco kaliya ee xitaa
waxaa la rabaa in dhibaato la
sheego si qalbiga qofka wax loo
gaarsiiyo. Isku soo wada duub oo
warbaahinta Soomaalida waa mid
dhagta, isha iyo qalbigaba u
daran.
Inkasta oo arrinta Soomaaliya ay
soo jiitamaysay muddo dheer
waxay sii xumaatay markii ay
dhaceen dhowr waxyaabood mid
waliba halisteeda lahayd, waxana
ka mid ahaa:
·
heshiisyo laba shirkadood oo
ajanabi ah lana kala yiraahdo:
African OIL Company(http://www.africaoilcorp.com/s/Home.asp)
iyo Hafza (Horn
of Africa Free Zone Authority(http://www.hafza.com)
uu u saxiixay Madaxweynihii hore,
Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Shirkadda “African
Oil Company”
Waxaa heshiiskii ugu denbeeyay
loo saxiixay 17th
January 2007(Dharoor,
30,000 km²,
Nugaal, 50,000 km²)
halka tan kale “Hafza”
heshiiskii ugu denbeeyay loo
saxiixay Dec. 2004. Heshiisyadan
labada shirkadood waxaa ka
xumaaday dowladdo waa weyn oo
horey isugu arkayeey in ay iyagu
Soomaaliya gacanta ku hayaan
isla markaana dowladihii hore ee
Soomaaliya ay heshiisyo kuwan la
mid ah u saxiixeen
·
Arrinta soomaaliya waxay kaloo
cirka isku shareertay kolkii
madaxda dowladda ugu sareysa (Dowladda-Midnimo-Qaran)
ay soo kala xulleen urur ka mid
ah ururradii Islaamiga ahaa iyo
“NGO’s”, ayna diideen in ay la
heshiiyaan ummadda inteeda kale.
Amarka Ilahay, Dowladda Sh.
Shariif, howshii ay ugu
horeysiiyeen wax qabadkeeda
waxay noqotay in ay dhul-baddeed
Soomaaliyeed u saxiixdo dowlado
“Kenya” iyo shirkado shisheeye!
Madaxweyne Sh. Shariif, wuxuu
kaloo Cabdullaahi Yuusuf uga
daydey in xilalka dowladda loo
qaybiyo jifadiisa hoose, wixii
soo raacana ay noqdaan cid uusan
uga maarmin taageeridda
gursigiisa. Si kastaba ha ka
ahaatee, Dowladda ma hayso intii
dowlad laga rabay (ilaalinta
dadka, dalka, iyo sharuucda)
waxaana awoodeedii ku ekaatay
hadallo aan dadka nuxur u lahayn
oo ay Idaacadaha ka sheegto.
Dowladnimadu waxay ku dhex
jirtaa dadka la xasuuqayo
·
Beesha Caalamka oo markay dowlad-ku
sheeg-hore duminayaan oo
dhisayaan dowlad-ku-sheeg cusub
sameeya ballanqaadyo aan waxba
ka jirin oo sheegaya in ay
soomaalida la garab taaganyihiin
“hiil iyo hooba”, waxana
markhaati-ma-doonto ah in
labaadan sanno aan soomaalida
wax laga dunsho mooyee aan wax
loo dhisin.
Arrinta kale ee dhibaatada
qaybta ka ahi waxay tahay rag ”
xildhibaanno” labaatankii sanno
ee la soo dhaafay dowlad kasta
oo la soo dhiso ku jiray, iyadoo
la ogyahay in dowladahaasi aysan
isku afkaar iyo mabda ahayn.
Waxayna dadku kuu sheegayaan in
waxa siyaasadda loo galayo ay
tahay wax liita “mushaar”, maxa
yeelay siyaasigu waa qof aragti
qaba oo isbedel-doon ah; ee ma
ahan fannaan. Dhinaca kale ee
kooxaha aan dowladda ahayn iyana
waxaa jira rag hadba kooxda ama
ururka ay doonnaan gala lagana
soo dhaweeyo (shopping tour).
Markaad sii eegto qolyahan
sheegta siyaasiyiinta iyo
culumada iyo sida ay u
dhaqmayaan waxaa igu soo dhaca
erayo ku jiray hees ay qaado
fannaanada Aamino Cabdullaahi “
sacu waysh[ii]a
uu dhalay sanka kalama roorroo
siddig[iii]
kama jeclaadee” macnuhu
wuxuu yahay lo’da suurogal kama
ahan in uu sacu wayshiisa uu
diido oo ka doorto maqaar uusan
dhalin! Marka nimanka culumada,
suxufiyiinta iyo siyaasiyiinta
Soomaaliyeed sheegta ma waxaa ka
caqli badan lo’da?
Arrinta kale ee mucjisada ahi
waxay tahay Dowladaha Soomaalida
loo dhisayeey 20 sanno ee la soo
dhaafay, may ilaalinayn dadka
iyo sharuuc dalka midna; waxana
dhacaysay in taageero laga hello
daaye in dhibaato joogto ah ay
ku hayeen shacabkii , sharuucdii
ummadda iyo dalku wadaagi jireen
iyo dalkii dhul ahaantiisii. Si
kasta oo ay dowladda Shiikh
Shariif ay wax ka yihiinba waxaa
gobolladii iyo caasimaddii
dalkaba isku haysta kooxo midina
uusan dowladda taageerin,
awoodii dowladduna waxay ku
egaatay hadallo idaacadaha laga
sheego oo aan dadka nuxur u
samaynayn. Si kastaba ha ahaatee,
shacabka Soomaalidu waxay u
baahanyihiin in ay nabad helaan
inta aan dowlad la gaarin.
Dhinaca kale marka laga eego
waxaad arkaysa in wadanka ay
isku haystaan “Contac Group” (wadamada
Soomaaliya danaha ka leh) iyo
wadammo aan ku jirin kuwaas oo
mid walba arkayo in soomaaliya
ay tahay dal khayraad badan oo
aan dad lahayn; wadan walbana
wuxuu tartan kula jiraa wadammo
uu doonayo in uu ka badsado.
Suurogalna ma ahan in adduunku
uu soomaaliya ku heshiiyo ee
waxaa suurogal ah in Soomaalidu
heshiiso oo caalamka xiriir
wanaagsan la wada yeelato.
Marka la eego halista muuqata ee
Soomaaliya tusaalaha u tahay,
waxaa khuburo ku xeel-dheer
siyaasadda Africa iyo in-dheer-garad
kale ay isku raaceen in wadamda
Afrika dhinaceeda bari ku yaal
oo dhan ay halis ugu jiraan
dhibaato la mid ah tan
Soomaaliya. Calamadaha halista
ah waxa ka mid ah: in haddaba ay
Contact Group, maamullaan
wadamadaa,’ madaxda wadamadan
waxay hogaamiye-kooxeedyada
soomaalida kala mid yihiin xukun
iyo lacag jacayl, kuwaas oo ka
mashquuliya arrimo xaqiiq ah oo
ka jira wadamadooda sida
tabashada shacabka oo aysan war
ka hayn, nacayb baahsan oo ay
madaxda IGAD ka dhexeeya,
horumar la’aan (caafimaad,
waxbarsho, shaqo iwm). Intaas
waxaa dheer, kaalmooyinka la
siiyo waxaa ugu badan hub iyo in
ciidammo loo tababaro.
Wadamada ku yaal Afrikada bari
waxaa ku yar wadan dariskiisa
xiriir wanaagsan la leh. Taas
bedelkeeda waxay xiriir iyo
sumcad ka doontaan wadammo ku
yaal qaarado kale. Bal aynu
tusaale u soo qaadano wadanka
ugu yar dad iyo dhul ahaan
wadamada Afrikada bari
“Jabuuti” isla markaana ugu
diplomadicsan.
Jabuuti waxaa hotello iyo
deegaanno aan sidaas u kala
fogayn u degen wadammada iyo
ururrada Soomaaliya isku haya oo
dhan sida Mareykan, Ruush,
Chine, Iiraan, reer Binlaadin,
Isra’el, Yurub, Carab iyo
wadammo kale.
Haddii nabad lugu kala
macaashayo way fiicnaan lahayd
in wadammadan oo dhan ay Jabuuti
xirriir wanaagsan la leeyihiin
laakiin shaki ayaa ku jirataas.
Dhinaca walwalka leh marka laga
hadlayo, waxaa dhici karta in
wareeggga hore ee wadamadani mid
kasta uu ku doonayo in uu hello
meel afrikada bari uu lugta kala
gallo in ay Jabuuti u noqoto
“honey-moon”, laakiin wareegga
labaad ama saddexaad xaalku
noqdo kan “Suuqa Bakaaraha” oo
subaxdii iyo galabtii hoobiye
luguna furo luguna xiro, kaas oo
dan-yartu aysan aqoon sababta
loo xasuuqayo iyo cidda
xasuuqaysa.
Jabuuti, wax xiriir wanaagsan
lama lahan wadamada ay dariska
la tahay oo kala ah: Soomaaliya,
Itoobiya, iyo Eritrea, wadamada
kalena warkood meel iska dhig.
Sidaas oo ay tahay, Jabuuti
waxay ugu dhibaato yartahay
wadamada Africa dhinaceeda bari
ku yaal kii la soo qaato ka
daran Jabuuti!
Sidaas daraateed, marka la eego
sida wadamadan ay u wadaagaan
xuduudaha, xoolaha iyo degaanka
iyo sida aysan u jirin wax ay ka
wada shaqeeyaan. Marka la eego
sida ay sokeeyaha u fogeynayaan
shisheeyahana ay u soo
dhaweynayaan. Marka la eego
dhibaatooyinka caalamka ka jira
iyo waxa ay salka ku hayaan.
Marka la eego colaadaha iyo
figraha gobolka ku baahaya,
waxaa la fahmi karaa in gobolka
oo dhan uu halis weyn ugu jiro
in ay soo foodsaarto xaalad ka
daran midda hadda Soomaaliya ku
jirto.
Gabogabadii, waxaa laga doonayaa
Hoggaamiyeyaasha Afrikada Bari
in ay bedelaan siyaasadahoodii
hore ayna qaadaan tilaabooyin
cusub oo deg deg ah.
A.Gurato
gurato@hotmail.com
[i]
Sida lugu hayo
taariikhda cid kasta oo
xukun lacag lacag ka
doonta xaalkoodu adduuna
waa ceeb kan aakhirona
waa xisaab adag.
[ii]
Wayshui waa ilmaha yare
ee lo’da ah.
[iii]
Sidig waa harag-xoollaad
(makhaar) loo ekaysiiyo
neef nool luguna qasbo
neef xoolo ah oo dhadig
oo aan dhalin.