Fikradaha Maqaalkani xambaarsan yahay waxay ku kooban tahay Qoraaga  oo kaliya MudugNet lama qabto fikradaha akhristaha, waxaana hubaal ah inaan soo galino Qormooyinka ay soo qoraan wax garadka Soomaaliyeed ee weli wadaninimada iyo daacadnimada ku dambeyso, innagoo mar kasta hubino halka la inooga soo diro maqaalada iyo magaca qoraaga intaba

Mustaqbalka Bariga Afrika Wuu Madowyahay


 

Sabti 16ka Janaayo, 2010
 

Burburka aan Soomaaliya wax u reebin wuxuu u muuqdaa in uu aafayn doono wadammada bariga Afrika ku yaal oo dhan “IGAD”.

Sida la ogyahay  burburka baaxadda weyn leh midka ugu darani waa ku dhacay bulshadii ee dooransiiyeey diintii, akhlaaqdii, damiirkii iyo garashadii ummadu lahayd. Maxaa yeelay haddii damiirka iyo dadnimadu ay caafimaad qabaan oo la isweydiin lahaa “maxaa xigi” mar hore ayaa wixii khaldamay la sixi lahaa.

 

Sanadkan cusub “2010” sida shacabkau qabaan, waxaa Soomaaliya u buuxsamay labaatan sanno (20) oo caddaab adduun ah waana sanadkii ugu xumaa ee soo mara.  Sababtoo ah waxaa dadku xeryo ku kala ootey DKG, Al-shabaab, Xisbul-islaam, Puntland, Soomaliland,  Ehulu-sunno-waljameeca, Gal-mudug, burcad-baddeedka qaarkood iyo Amisom.  Kooxahan dadka qaar ayaa ugu yeera “qandaraasley”  waxay ku haminayaan in ay xukun[i] iyo lacag helaan laakiin waxay ka cawaaqib xunyihiin kumannaanka ay adduunka ku silciyeen intii dhimatay Allaha u naxariiste.

 

Qolyahan Soomaalidu eersatay waxaa kaloo ka mid ah Xafiiska Qaramada Midoobay ee Nairoobi, dhowr hay’dood “NGO’s” oo sheegta in ay nabadda iyo horumarka ka shaqeeyaan. Waxaa kaloo ka mid ah shaqsiyaad iyo ururro (cummunities) wadanka dibaddiisa ka shaqeeya, waxana isa soo taraya warar sheegaya in dhalinyaro caraysan oo soomaali iyo ajanaba ah ay Soomaaliya ku soo qulqulayaan, kuwaas oo ka yimaata wadamada reer Galbeedka iyo Asia.

 

Gobollada iyo degmooyinka Soomaaliya waxaa ka jira ciidammo hab-beelleedyo ay ku arruuriyaan niman isku sheega shiikhyo, siyaasiyiin, ganacsato iyo aqoon-yahanno (profesors), ciidamadaas oo loo kala gacan-galiyo kooxaha magacyada badan ee Soomaaliya isku haya.

 

Dhalinyarada sida xun loo askareeyo oo da’doodu u dhexayso 14-22  sanno jir ayaa marka dhaawac ama dhimasho ay soo ay ka soo gaarto daggaallada waxay gacan ka helaan oo kaliya ehelkood oo horey uga walwalsanaa in qolo u ciilqabtay ay u isticmaasho wiilashooda. Waxaa dhici karta in hal beel oo degta hal deegaan ciidan looga wada qoro kooxaha aynu kor ku soo sheegnay dhammaantood marka laga reebo Amisom. Waxaa la sheegaa in ay jiraan dhalinyaro yiraahda: “waan ka xumahay in aan dadkayga laayo laakiin shaqo iyo taclin ka fiican ayaan waayeey”

 

Qofka ku biiraya “qandaraasleyda” sharuudaha laga rabo waxaa ugu mihiimsan in uu masiibo ugub uu ka shaqayn karo adduun iyo aakhirona uusan rajo ka qabin.

Waxaa iyana jira dhowr arrimood oo kooxahani “qandaraasleyda” ahi  (DKG, Al-shabaab, Xisbul-islaam, Puntland, Soomaliland,  Ehulu-sunno-waljameeca, Gal-mudug, burcad-baddeedka) ay wadaagaan, oo ay mid tahay: in qolo kasta oo iyaga ahi ay sheeto in ay ajanebiga diidanyihiin, waxaana la ogyahay in gidigood ay ajanebi gabaad u yihiin. Midda labaad, badankoodu waxay xasuuqaan dadka shacabka ah oo ay ugu  horeysiiyaan wax-garadka iyo aqoonyahanka saxda ah.  Waxaana jira bahdil iyo cagajugleyn lugu hayo odey-dhaqammeedka nool.

 

Hallaaga Soomaaliya yaal wuxuu soomaalida ku asiibay meel kasta oo ay dinida ka joogaan,  sida Yurub, America, afrikada iyo Asia.

Dhiigga sidii wabi fatahay u qulqulaya wuxuu soomaalida ka mashquuliyay in ay arkaan quwadaha Neaglear-ka haysta ee dushooda mindiyaha ku lisanaya, kuwaas oo sheegta in ay u joogaan xeebaha Soomaaliya ilaalinta “burcad-baddeedda”. Waana suurogal haddii aan xal la helin in uu dhex maro daggaalkii saddexaad dunida (third world war). Akhristow, dagaalkaas oo laga yaabo in uu  adduunka oo dhan saameeyo waxaa haddana baajintiisa gacan weyn ka qaadan  kara shacabka Soomaaliyeed inta nool ee u kala xeraysan QANDAARLAYDA.

 

Waxan la kulmay nin yiri:” hameen ayaan u hoydey (seexday) xaafad nabdoon oo ah “dhex-ku bari” kana fog meelaha kooxuhu isku hayaan ee Muqdisho. Saqdii dhexe ayaan ku naxnay diryaanka rasaasta noocyadeeda kala duwan, oo ka soo dhacaysey wuqooyiga iyo koonfurta, oo la moodo in lugu bartilmaameedsanyo gurigii aan wax uga jiray. Subaxdii marki waaga baryeey ayaa dariskii isku soo baxay iyaga oo is weydiinaya sababta xalay loo wareeray iyo cidda weerartay. Xaafaddo daris nala ahaa aaska dad carruur iyo dumar u badnaa oo hameenkii dhinaty iyo dhaqtar gaynta dad noloshooda adkayd oo madfac dhinac gooyeey.

Markiiba waa la ogaaday ciddii wax ku noqotay laakiin lama garan ciddii dhibaatada gaysatay iyo ujeedkeedu wuxuu ahaa. Kadibna goor dadweynihii isku soo baxay ay gurahoodii ku laabdeen ayaa Idaacadda BBC-du sheegatay in dagaalkaasi u dhexeeyay Xisbul-Islaam iyo Ciidamda Dowlada. Kadibna dad badan ayaa arrintii ka xumaaday oo la hadlay madaxdi dowladda iyo Xisbi-Islam waxana noo xigtay Shiikhii culumada ugu weynaa oo leh oo ah hoggaamiyaha Xisbul Islaam oo leh “adkaysta

Waxyaabaha kale ee isa soo tara waxaa ka mid ah in kooxdii ama shaqsigii aan ajenabi helini uu asaagi ka haray! Dhinaca kalena, dowladdo iyo ururro shisheeye ayaa mid walba doonayaa in uu xoogaa Soomaali ah hantiyo. Dad badan ayaa rumaysan in sababta kooxahani ay u diidanayeen joogitaankii Ciidamadii Itoobiya ay ahayd in iyagu ay qandaraasyo ka helaan xasuuqa shacabka oo aysan ciidamada Itoobiya ku diidanayn aragti kale.

 

Buunbuuninta  iyo dhacdooyin yar-yar  oo masiibo laga sameeyo iyo soo bandigida waxyaabo damiirka iyo xal-u-hellida Soomaalida u darran waa qaybta ay saxaafada Soomaalidu ku leedahay halaajinta Soomaalida iyo muujinta guul-darrada Soomaalida ku dhacday “failure”.  Marka meel la iska dhigo websites-ka xad-dhaafka ah oo aan la aqoon cid maamusha iyo nidaam loo raaco midna, kuwo mudan in lagala xisaabtamo denbiyada ay galayaan waxaa ka mid ah BBC-da laanta afsoomaaliga iyo television-ka Universal, oo caaddeystay in ay soo daayaan warar iyo barnaamijyo aan mudnayn in bulshada loo soo bandhigo; waxaa jira qoysas  Soomaaliyeed (families) oo  satellite guryaha u dhigtay si carruurtu dhaqanka iyo af-soomaaliga uga bartaaan. Nasiib-darro,  waxaa la arkay carruurro badan oo cuqdad ka qaaday muuqaallo iyo barnaamijyo si aan xirfadeysnayn looga soo bandhigay  television-ka Universal iyo idaacadda BBC, taasina waxay keentay in guryo badan laga dejiyeey satellite-yadii  soo gudbin jiray warbaahinta anshaxa daran.

Wariyeyaasha iyo macaamiishooda (audiences) waxay u muuqdaan in ay ku raaxaysanayaan muuqaallo ku jira warar iyo barnaamijyo araxan-darro ka muuqato oo ku saabsan tacadiyada loo gaysto dadka rayidka ah. Waxaana xasuus mudan in warbaahinta afsoomaaliga ku hadasha intooda badan sida Universal TV, in aysan ka hadlin wararka iyo dhacdooyinka caalamka iniisa kale ka dhaca. Maxay tahay sababtu?

 

 Ogow waxa la doonyo ma ahan in uu dagaal dhaco kaliya ee xitaa waxaa la rabaa in dhibaato la sheego si qalbiga qofka wax loo gaarsiiyo. Isku soo wada duub oo warbaahinta Soomaalida waa mid dhagta, isha iyo qalbigaba u daran.

 

Inkasta oo arrinta Soomaaliya ay soo jiitamaysay muddo dheer waxay sii xumaatay markii ay dhaceen dhowr waxyaabood mid waliba halisteeda lahayd, waxana ka mid ahaa:

·        heshiisyo laba shirkadood oo ajanabi ah lana kala yiraahdo:  African OIL Company(http://www.africaoilcorp.com/s/Home.asp)  iyo Hafza (Horn of Africa Free Zone Authority(http://www.hafza.com) uu u saxiixay Madaxweynihii hore, Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Shirkadda “African Oil Company” Waxaa heshiiskii ugu denbeeyay loo saxiixay 17th  January 2007(Dharoor, 30,000 km², Nugaal, 50,000 km²) halka tan kale “Hafza” heshiiskii ugu denbeeyay loo saxiixay Dec. 2004. Heshiisyadan labada shirkadood waxaa ka xumaaday dowladdo waa weyn oo horey isugu arkayeey in ay iyagu Soomaaliya gacanta ku hayaan isla markaana dowladihii hore ee Soomaaliya ay heshiisyo kuwan la mid ah u saxiixeen

 

·        Arrinta soomaaliya waxay kaloo cirka isku shareertay kolkii madaxda dowladda ugu sareysa (Dowladda-Midnimo-Qaran) ay soo kala xulleen urur ka mid ah ururradii Islaamiga ahaa iyo “NGO’s”, ayna diideen in ay la heshiiyaan ummadda inteeda kale. Amarka Ilahay, Dowladda Sh. Shariif, howshii ay ugu horeysiiyeen wax qabadkeeda waxay noqotay in ay dhul-baddeed Soomaaliyeed u saxiixdo dowlado “Kenya” iyo shirkado shisheeye! Madaxweyne Sh. Shariif, wuxuu kaloo Cabdullaahi Yuusuf uga daydey  in xilalka dowladda loo qaybiyo jifadiisa hoose, wixii soo raacana ay noqdaan cid uusan uga maarmin taageeridda gursigiisa. Si kastaba ha ka ahaatee, Dowladda ma hayso intii dowlad laga rabay (ilaalinta dadka, dalka, iyo sharuucda) waxaana awoodeedii ku ekaatay hadallo aan dadka nuxur u lahayn oo ay Idaacadaha ka sheegto. Dowladnimadu waxay ku dhex jirtaa dadka la xasuuqayo

 

·        Beesha Caalamka oo markay dowlad-ku sheeg-hore duminayaan oo dhisayaan dowlad-ku-sheeg cusub sameeya ballanqaadyo aan waxba ka jirin oo sheegaya in ay soomaalida la garab taaganyihiin “hiil iyo hooba”, waxana markhaati-ma-doonto ah in labaadan sanno aan soomaalida wax laga dunsho mooyee aan wax loo dhisin.

 

Arrinta kale ee dhibaatada qaybta ka ahi waxay tahay rag ” xildhibaanno” labaatankii sanno ee la soo dhaafay dowlad kasta oo la soo dhiso ku jiray, iyadoo la ogyahay in dowladahaasi aysan isku afkaar iyo mabda ahayn. Waxayna dadku kuu sheegayaan in waxa siyaasadda loo galayo ay tahay wax liita “mushaar”, maxa yeelay siyaasigu waa qof aragti qaba oo isbedel-doon ah; ee ma ahan  fannaan. Dhinaca kale ee kooxaha aan dowladda ahayn iyana waxaa jira rag hadba kooxda ama ururka ay doonnaan gala lagana soo dhaweeyo (shopping tour).

 

Markaad sii eegto qolyahan sheegta siyaasiyiinta iyo culumada iyo sida ay u dhaqmayaan waxaa igu soo dhaca erayo ku jiray hees ay qaado fannaanada Aamino Cabdullaahi “ sacu waysh[ii]a uu dhalay sanka kalama roorroo  siddig[iii] kama jeclaadee”  macnuhu wuxuu yahay lo’da suurogal kama ahan in uu sacu wayshiisa uu diido oo ka doorto maqaar uusan dhalin! Marka nimanka  culumada, suxufiyiinta  iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed sheegta ma waxaa ka caqli badan lo’da?

 

Arrinta kale ee mucjisada ahi waxay tahay Dowladaha Soomaalida loo dhisayeey 20 sanno ee la soo dhaafay, may ilaalinayn dadka iyo sharuuc  dalka midna; waxana dhacaysay in taageero laga hello daaye in dhibaato joogto ah ay ku hayeen shacabkii , sharuucdii ummadda iyo dalku wadaagi jireen iyo dalkii dhul ahaantiisii. Si kasta oo ay dowladda Shiikh Shariif ay wax ka yihiinba waxaa gobolladii iyo caasimaddii dalkaba isku haysta kooxo midina uusan dowladda taageerin, awoodii dowladduna waxay ku egaatay hadallo idaacadaha laga sheego oo aan dadka nuxur u samaynayn. Si kastaba ha ahaatee, shacabka Soomaalidu waxay u baahanyihiin in ay nabad helaan inta aan dowlad la gaarin.

 

Dhinaca kale marka laga eego waxaad arkaysa in wadanka ay isku haystaan “Contac Group” (wadamada Soomaaliya danaha ka leh) iyo wadammo aan ku jirin kuwaas oo mid walba arkayo in soomaaliya ay tahay dal khayraad badan oo aan dad lahayn; wadan walbana wuxuu tartan kula jiraa wadammo uu doonayo in uu ka badsado. Suurogalna ma ahan in adduunku uu soomaaliya ku heshiiyo ee waxaa suurogal ah in Soomaalidu heshiiso oo caalamka xiriir wanaagsan la wada yeelato.

 

Marka la eego halista muuqata ee Soomaaliya tusaalaha u tahay, waxaa khuburo ku xeel-dheer siyaasadda Africa iyo in-dheer-garad kale ay isku raaceen in wadamda Afrika dhinaceeda bari ku yaal oo dhan ay halis ugu jiraan dhibaato la mid ah tan Soomaaliya. Calamadaha halista ah waxa ka mid ah: in haddaba ay Contact Group,  maamullaan wadamadaa,’ madaxda wadamadan waxay hogaamiye-kooxeedyada soomaalida kala mid yihiin xukun iyo lacag jacayl, kuwaas oo ka mashquuliya arrimo xaqiiq ah oo ka jira wadamadooda sida tabashada shacabka oo aysan war ka hayn,  nacayb baahsan oo ay madaxda IGAD ka dhexeeya, horumar la’aan (caafimaad, waxbarsho, shaqo iwm). Intaas waxaa dheer, kaalmooyinka la siiyo waxaa ugu badan hub iyo in ciidammo loo tababaro.

 

Wadamada  ku yaal Afrikada bari waxaa ku yar wadan dariskiisa xiriir wanaagsan la leh. Taas bedelkeeda waxay xiriir iyo sumcad ka doontaan wadammo ku yaal qaarado kale. Bal aynu tusaale u soo qaadano wadanka ugu yar dad iyo dhul ahaan wadamada  Afrikada bari “Jabuuti” isla markaana ugu diplomadicsan.

Jabuuti waxaa hotello iyo deegaanno  aan sidaas u kala fogayn u degen wadammada iyo ururrada Soomaaliya isku haya oo dhan sida Mareykan, Ruush, Chine, Iiraan, reer Binlaadin, Isra’el, Yurub, Carab iyo wadammo kale.

 

Haddii nabad lugu kala macaashayo way fiicnaan lahayd in wadammadan oo dhan ay Jabuuti xirriir wanaagsan la leeyihiin laakiin shaki ayaa ku jirataas. Dhinaca walwalka leh marka laga hadlayo, waxaa dhici karta in wareeggga hore ee wadamadani mid kasta uu ku doonayo in uu hello meel afrikada bari uu lugta kala gallo in ay Jabuuti u noqoto “honey-moon”, laakiin wareegga labaad ama saddexaad  xaalku noqdo kan “Suuqa Bakaaraha” oo subaxdii iyo galabtii hoobiye luguna furo luguna xiro, kaas oo dan-yartu aysan aqoon sababta loo xasuuqayo iyo cidda xasuuqaysa.

Jabuuti, wax xiriir wanaagsan lama lahan wadamada ay dariska la tahay oo kala ah: Soomaaliya, Itoobiya, iyo Eritrea, wadamada kalena warkood meel iska dhig. Sidaas oo ay tahay, Jabuuti waxay ugu dhibaato yartahay wadamada Africa dhinaceeda bari ku yaal kii la soo qaato ka daran Jabuuti!

 

 Sidaas daraateed, marka la eego sida wadamadan ay u wadaagaan xuduudaha, xoolaha iyo degaanka iyo sida aysan u jirin wax ay ka wada shaqeeyaan. Marka la eego sida ay sokeeyaha u fogeynayaan  shisheeyahana ay u soo dhaweynayaan. Marka la eego dhibaatooyinka caalamka ka jira iyo waxa ay salka ku hayaan. Marka la eego colaadaha iyo figraha gobolka ku baahaya,  waxaa la fahmi karaa in gobolka oo dhan uu halis weyn ugu jiro in ay soo foodsaarto  xaalad ka daran midda hadda Soomaaliya ku jirto.

 

Gabogabadii, waxaa laga doonayaa Hoggaamiyeyaasha Afrikada Bari in ay bedelaan siyaasadahoodii hore ayna qaadaan tilaabooyin cusub oo deg deg ah.

 

A.Gurato

gurato@hotmail.com 

 


[i] Sida lugu hayo taariikhda cid kasta oo xukun lacag lacag ka doonta xaalkoodu adduuna waa ceeb kan aakhirona waa xisaab adag.

[ii] Wayshui waa ilmaha yare ee lo’da ah.

[iii] Sidig waa harag-xoollaad (makhaar) loo ekaysiiyo neef nool luguna qasbo neef xoolo ah oo dhadig oo aan dhalin.