Hambalyo dhagaxdhiga jaamacada Mudug ee Galmudug.



Jan,23,2010

Mudene Bashir Abshir (Afhayeen Waqooyiga Ameerika)


Salaan ka bacdi ! Waxaan Hambalyo u soo jeedinno dhamaan madaxda iyo shacabka Galmudug,

Waxaan doonaynaa in aan Hambalyo uga soo jeedinno dhamaan madaxda iyo shacabka galmudug, ee gartay in ay dhagax dhigaan Jaamacadda Mudug University.

Dhab ahaan waa garasho dhaxal gal ah, isla markaana aan rajeynayno in ay wax weyn ku soo kordhin doonto nolosha iyo aqoonta Soomaaliyeed khaasatan bulshada reer Galmudug. Waxaan in muddo ah ka welwelsanayn haddii aan nahay qurbajoogta Galmudug sidii loo maareyn lahaa ardada faraha badan ee ka qalin jabinaysa iskuulada sare ee Galmudug. Haddase waxaan hubnaa in loo helay xal. waxaan dhamaanteen la nahay diyaar wax alle iyo wixii lagu suurto galin karo mashruucaas quruxda badan. Haddii ay ahaan lahayd dhaqaale, macalimiin wax ka dhiga, iyo waliba tasjiilaadka waxbarashada.

Hadal badan haan ma buuxsho waxaan iskula dardaarmeynaa in aan kulligeen u wada guntanno horumarinta dalka iyo deegaanka aan u dhalanay.

Dhamaan Qurabajoogta Reer Galmudug .

Hambalyo dhagax dhiggii Galmudug University
Jaamacadda Mudug ee la dhagax dhigay waxay aas aaskii koowaad u noqon doontaa wax barasho sare oo ay helaan dhalinta soo koreysa ee ku nool ama ku noolaan doontaa Gal- Mudug iyo aga gaarihiisa. Maadaama aysan iminka jirin Wax barasho ka sareysa heer dugsi sare oo ka jirta Gobolka Mudug marka laga reebo machad ka jira dhanka waqooyi oo asagana maadooyinka lagu dhigo aad u yar yahiin. 
Waxaan ku dhiira galinayaa walaalaha u damqanaya in walaalahood helaan tacliin sare iyo mustaqbal wanaagsan ay gacan ka gaystaan hirgalinta Jaamacaddaan.
Walaalkiin .Naasir Abdibaale oo(Gudoomiyaha Waayeel iyo Waxgarad)

Hambalyo, Hambalyo dhagaxdhiga jaamacada Mudug ee Galmudug State

Waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan dadka Galmudug  meelkasta oo joogaan, waxaana muuqata iftiin dhanka waxbarshada iyo guul usoo hoyatay dhalinyarada Galmudug oo aan haysan waxbarsho heer jaamacadeed , waxaan ku boorinayaa walaalaha Galmudug  meelkasta oo ay joogaan inay ka qaybqaataan dhismaha jaamacada cusub ee Mudug.

Guul iyo Horumar Galmudug.