Galmudug: Waxaa Loo Baahanyahay Inla Unko Xadaarad Maamul Wanaag

Wednesday, January 27, 2010 4:33 PM

Sideedaba bili'aadanku kuma tilaabsan karo horumar la taabankaro haddii uusan lahayn kala dambeyn, xadaarad ku salaysan maamul wanaag iyo u hoggaansanka shuruucda si wadajir ah loo degsaday. Dadka haraadigaa (primitive society) waxaa lagu yaqaan in ay had iyo goor is feer ordaan, is-ximiyaan, is-jaajuusaan, nidaamka iyo kala dambeyntana diidaan, islamarkaasna dhex maquuraan ama quusaan moowjado halaag ah sida muran, jufo jufeysi, musuqmaasuq iyo u adeegid dano shisheeye oo iyaga lid ku ah.

 
 
Haddii aad eegtid hannaan bulsheedka ama qaybaha hormoodka u ah shacabka Koonfurta Mudug sida Oday dhaqanmeedyada, Culomaa'udiinka, Ganacsatada iyo Siyaasiyiinta, waxaa hubaal ah in aysan jirin koox wada socota xagga siyaasad bulsheedka waana musiibada la degtay Koonfurta Mudug Qarniyaal. Mujtamicii aan lahayn kala dambeyn iyo towfiiq waxaa si fudud oga faa'idaysanaya cidkasta codow iyo sokeeyaba ah si ay danahooda gaarkaa oga fushadaan dadyowga haraadigaa oo habdhaqankoodu yahay fowdada iyo isqabqabsiga.
 
 
 
Matalan, maamul beeleedka Puntland wuxuu siiyaa laaluush joogtaa Maleeshiyaadka(militias) iska soo horjeeda ee Koonfurta Gaalkacyo, qaarkamid ah Oday dhaqameedyada iyo Siyaasiyiinta si ay u fushadaan danahooda ku qotoma sedbursiga iyo in aysan Galmudug marna yeelan Maamul shaqeeya oo dadku wada adeecaan.
 
 
Arrinta kaloo cadaynaysa siyaasad xumida, is-aaminaad darada iyo maamul xumada ragaadisay Koonfurta Mudug waxaa weeye:-
 
 
 
1. In durbadiiba uu Madaxweyne M.A.Caalin ka baxay
    hishiiskii juhdiga badan lagu bixiyay oo lagu gaaray
    magaalada Muqdisho, hishiiskaasoo dhigaya in Caalin
    uu intii lix bilood ah uu hoggaamiyo Galmudug. Caalin
    wuxuu badalay qaabkii loo soo xulayay Wasiirada waana
    amuur lid ku ah hishiiskii Muqdisho lagu gaaray
 
 
2. Madaxweyne Caalin, wuxuu si sharci daraa oga
    codsaday Golaha Guurtida in Saddex sano looga
    dhigo wakhtiga uu xilka haynayo taasoo ka hor imaanaysa
    hishiiskii Xamar lagu gaaray iyo waliba Dastuurka degsan
 
3. Awoodda xil kordhinta waxaa iska leh Barlamaanka
    Galmudug ee Guurtadu malaha awoodaas
 
4. Wasiirada la magacaabay qaarkood xilkaas ma gudan
    karaan waayo aqoon assass ah xataa malahan, hannaan
    maamul dowleedna ebed masoo marin
 
 
Ugu dambeyntii, waxaa haboon in Madaxweyne Caaliin uu u hoggaansamo oo uu xaqdhowro hishiiskii Muqdisho laguwada gaaray si markale Galmudug looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo fowdo keenta in xasiloonida iyo nabadgalyadu wiiqmaan cadowguna dhoolacadeeyo, xaajaduna noqoto Hoogto Waa Halkeedii !!. Haddii uu Madaxweyne Caalin uu doonayo in wakhtiga loo kordhiyo waa in uu hortagaa Barlamaanka laakiin inta uusan xil kordhinta ku mashquulin, waxaa haboon in marka hore la dhammaystiro haykalka dowladda sida Barlamaanka iyo Golaha Wasiirada deedatana Xukuumaddu kalsooni ka hesho Barlamaanka, markaas kagadaal oo siyaasadu xasisho, Owrka siyaasad bulsheedkuna uu hore u ruqaansado ayeey tahay in Madaxweynuhu ciyaaro Turubkiisa xil kordhinta ee xiligan waa yara deg deg !.
 
Galmudug waxay haraad ba'an u qabtaa in ay hesho oo mar uun yeelato Maamul udub dhexaadkiisu yahay cadaalad, xaqsoor, eex la'aan, maxaa taqaan, garasho fog, iwm. Walaalaha dariskaa ee Puntland, waxaa si dhab ah ula xisaabtami kara iyadoo maamul hufan oo wadajir ah laga hirgaliyo Galmudug waayo meel fowdo ah cidna hishiisyo lama galikarto. Sidaas awgeed, waxgaradka iyo qaybaha bulshada Galmudug waxay u duceynayaan islamarkaasna taageerayaan Xukuumadda Madaxweyne Caalin annagoo rajayneyna alla fadligiis in Galmudug ka baxdo siyaasad iyo nidaam xumida ragaadisay kuna tilaabsato midnimo, nabad buuxda, horumar iyo asaagaa lajaan qaad.
 
Horumar ijtimaaci ah waxaa keena cadaalad iyo midnimo.
 
 
Waxaa Qoray: Hassan Sh. Ali